U bood dhigaalka

23-kun Arday Oo Maanta u Fariistay Imtixaanka Shahaadiga Ee Dugsiga Sare

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta si rasmi ah imtixaanka dugsiyada sare ee shahaadiga u fariistay 23-kun arday oo ku kala nool Goballada dalka.

Magaalooyinka Muqdisho, Afgooye, Baaydhabo, Jowhar, Garoowe, Kismaayo , Gaalkacyo iyo magaalooyin ka mid ah dalka ayuu si toos ah uga biloowday imtixaankan, waxaa si weyn ciidmada dowladda gaar ahaan kuwa Boliiska ay u xaqiijinayaan ammaanka xarumaha imtixaanka lagu qabanayo.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta u furtay Imtixaanka dugsiyada sare dalka, iyadoo uu socon doono maalmaha soo aadan.

C/raxmaan Daahir Cismaan, wasiirka wasaaraddaasi ayaa sheegay in Imtixaankan laguq aadayo 77 xarun oo dalka oo dhan ah, kana shaqeyn doonaan 77 qof oo kormeerayaal ah, 77 kaaaliyaal ah, 1400 oo ilaaliyeyaal imtixaanka ah, 1000 qof oo ilaalinaya amniga iyo kuwo ka tirsan wasaaradda waxbarashada.

Ardayda ayaa ku faraxsan iney u fariistaan imtixaankan,  waxaana ay muujinayaan rajo wanaagsan oo ah iney ku baasaan imtixaankan.

Goobjoog News