U bood dhigaalka

24 Qaraar oo Ay Tahay Inuu ka Laabto Maalinta ugu Horreysa Madaxweynaha Beddeli-doona Farmaajo!

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya waxaa sugaya inuu ka laabto go’aanno qaldan iyo heshiisyo sharci darro ah oo uu galay Farmaajo, soona celiyo saaxiibbadii Soomaaliya ee xiriirka loo jaray iyo inuu dejiyo siyaasadda arrimaha gudaha iyo midda dibadda oo aan fadhin 4-tii sano ee la soo dhaafay.

Goobjoog News ayaa halkan kusoo koobeysa 24 arrimood oo ay tahay inuu ka laabto madaxweynaha beddeli doona Farmaajo.

Arrimaha Gudaha:

Qaadista Xayiraadda Xorriyatul Qawl-ka: Markii uu xukunka yimid madaxweyne Farmaajo waxa uu xayiraad saaray in dadku si nabad ah iskugu soo baxaan, in si nabad ah loogu shiro hoteellada, in hoteellada ay galaan warbaahinta madaxa bannaan, in la qabto kulammo, intaas oo dhan oo xorriyaad ah waxaa dammaanad qaaday qodobka cutubka ee dastuurka ku meel gaarka ah, haddaba madaxweynaha xiga waxa aan ka sugnaa in uu dib u fasaxo xorriyaadka madaniga ah ee uu laalay madaxweyne Farmaajo.

Ka Saarista Liiska Argagixisada Jabhadda ONLF: Maamulka Farmaajo waxaa uu ururka gobonnimo-doonka ah ee ONLF ku daray liiska argagixisada, taasi oo looga fadhiyo madaxweynaha soo socda inuu ka laabto, kana garaabo waana inuu xeer baarlamaan ku soo saaraa madaxweynaha soo socda in aan qof Soomaali ah loo dhiibi karin dal ama meel ay naftiisa halis ku galeyso.

Dib-u-Mideynta Maamulka Jubbaland: Farmaajo waxaa uu nasiino u diiday maamulka Jubbaland oo dhismihiisa dadaal dheer laga soo maray, isaga oo isku dayey inuu xoog ku beddelo, waxaa kale uu cunna-qabateeyey dadka deggan Kismaayo,  wuxuu maamul gooni ah u dhisay gobolka kaas oo hoos taga dowladda dhexe, waxaa barakacay reer  Beledxaawo, haddaba madaxweynaha soo socda waxaa looga fadhiyaa in uu dib u mideeyo maamulka jubbaland oo Gedana dib ugu celiyo Jubbaland.

Dib u eegista dhismaha Guddiga Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland: Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu dhisay guddi hoggaamiya wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland kuwaa oo ka kooban saraakiil ciidan iyo wasiirro la soo shaqeeyay maamulkii kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre oo sababay iney gooni isku taagto Somaliland, taasina waxay sii damaqday boogtii waxayna dib u xasuusisay dadka dhibtii uu geystay maamulkii jaalle Siyaad.

Dib-Uga Noqoshada Siyaasadeynta Mashaariicda horumarinta Somaliland: Xukuumadda uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo waxay siyaasadeysay mashaariicda horumarinta ee ay ka fuliyaan beesha caalamka deegaannada Somaliland kuwaa oo sababay inay hakad galaan mashaariic shaqo abuur u sameyn lahaa dhalliyarada iyo dadka ku nool deegaannada Somaliland, madaxweynaha xiga Farmaajo ee Soomaaliya hoggaamin doona waxaa looga fadhiyaa in uu arrinkaa dib u milicsado uuna soo dumo qalbiyada dadka ku nool Somaliland.

Dib u billaabidda shaqaaleynta dowladda: Hay’adaha dowladda gaar ahaan wasaaradaha waxay joojiyeen shaqaaleysiinta dhallinyarada kaddib markii uu dalka hoggaan u noqday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mana jirin shaqaale rayid ah oo ay qoratay wasaarad intii uu xukunka joogay Farmaajo waxaana hakad galay shaqo abuur-ka dhallinyarada ee dowladda looga fadhiyay, dadweynaha ayaa sugaya in madaxweynaha xiga Farmaajo uu dib u furo fursado shaqo abuur ah oo hay’adaha dowladda laga helo.

Dib-u-eegista Heshiisyada Shidaalka: Liberty Petroleum Corporation iyo Coastline Petroleum  waa labo shirkad oo dhawaan uu maamulka Farmaajo kula soo heshiiyey Turkiga, inkasta oo saacaddii ugu dambeysay uu burburay saxiixii Muqdisho, haddana labadan shirkadood ma laha wax khibrad ah, weligoodna shidaal ma qodin, madaxweynaha xiga waa inuu ka laabto heshiisyadooda.

Dib-u-celinta Guddiyo Sharci-darro ah ee la ansixiyey: Maamulka Farmaajo iyada oo aaney jirin wax xukuumad ah ayuu boobsiiyey sharciyo masiiri ah waxa uuna Golaha Shacabka u gudbiyay xubnaha guddiga adeegga garsoorka, la dagaalanka musuqqa, iyo sharciyo kale oo masiiiri ah haddaba madaxweynaha xiga waa inuu ka laabto oo dibna loo eego dhismaha hay’adaha masiiriga ah.

Doorka Aqalka sare ee Sharci Dejinta : Farmaajo keliya iskuma dirin labada aqal, ee waxaa uu meesha ka saaray kaalintii Aqalka Sare isaga oo saxiixay sharciyo iyo qaraarro aan soo marin Aqalka Sare, sida Miisaaniyadda,  madaxweynaha xiga waa looga fadhiyaa in labada aqal ay isla ansixiyaan miisaaniyadda qaranka.

Dib-u-eegista Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka sare: madaxaweyne Farmaajo waxa uu xeer ku soo-saaray in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Aqalka Sare, taasi oo aan shirci ku dhisneyn waana arrin sidoo kale sugeysa inuu dib u eego madaxweynaha xiga Farmaajo.

Dib u eegista heshiisyada maalgashiga dekedaha ee Ethiopia: Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu shir jaraa’id oo uu la qabtay Ra’iisul wasaaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ku sheegay in dalka aynu dariska nahay nagana dhaxeysay muddada dheer xurgufta colaadeed maal gashan doono afar Deked oo ku taal xeebta Soomaaliya, maalmo ka dibna waxaa soo baxay mashruuca is dhex-galka Geeska Africa oo shaki badan ku abuuray dad badan oo Soomaaliyeed, haddaba maamulka xiga Farmaajo waxaa looga fadhiyaa in uu dib u eegis ku sameeyo heshiiskaas iyo qorshaha is-dhexgalka Geeska Africa iyo heshiiska dekadaha.  

Dib u eegista heshiiska Kalluunka ee Shirkadaha China: dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo waxay heshiis kalluumeysi la gashay shirkado China ah waxaana ka taagan su’aalo badan oo ay ugu horreeyso yaa ilaalinaya waxa ay qaataan, sidee looga badbaadin karaa ineysan xaalufin kalluunka badda? Haddaba maamulka ku xiga kan Farmaajo waxa ugu horreeya oo ay tahay inay badbaadiyaan waa kheyraadka badda Soomaaliya iyo inay suuq u raadiyaan kalluumeysatada Soomaaliyeed halka China lagu fasixi lahaa kheyraadka badda Soomaaliya.

Qaadidda Xaaladda degdeg ah ee saaran dalka: dhawr mar oo uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay in dalka uu dagaal ku qaadi doono Al-shabaab waxa uu soo rogay xaalad degdeg ah mana jirin mar kale oo uu ka qaaday dalka xaaladdii degdegga ahayd ee uu geliyay haddaba madaxweynaha xiga waxaan ka sugnaa waa in dalka laga qaado xayiraadda saaran.

Dib u furidda jidadka Muqdisho: dadka Muqdisho waxay u soo baxeen bannaanka markii la doortay Madaxweyne Farmaajo bilo kaddibse waxay waayeen jidad ay maraan waxaana xiran dhammaan jidadka Muqdisho oo dhagax ayaa lagu teeday waxaana cariiri ah isku socodka, haddaba madaxweynaha xiga waxay ka sugayaan reer Muqdisho waa in jidadka dib loo furo amnigana la xasiliyo.

Dib u hawl-gelinta Qorshaha Amniga Qaranka: markii uu madaxweyne Farmaajo xilka qaaday waxaa socday qorshe lagu dhisayay ciidanka Soomaaliya wuxuuna galay hakad kaddib markii uu khilaaf hareeyay wadashaqeynta maamullada iyo dowladda dhexe haddaba madaxweynaha xiga Farmaajo waxaa laga sugayaa inuu dhiso ciidan qaran oo la isla oggol yahay, iyo in uu dib ula wareego deegaannada ay Al-shabaab haystaan, dibna uu u furo jidadka gobollada iyo isku socodka gobollada dalka.

Dib u dhisidda Kalsoonida Dadka iyo Maamullada: intii uu xukunka joogay madaxweyne Farmaajo waxaa abuurmay cabsi laga qabo in dowladda dhexe ay xoog ku maquuniso maamullada iyo dadka ka aragtida duwan dowladda, iyo in ay boob ku qaadato xaqqa doorashada dadweyanaha oo ay meesha ka baxdo kaalinta dadweynaha ee qeyb ka noqoshada dhismaha maamullada iyo degmooyinka, ayna doortaan dadka ay rabaan in ay hoggaamiyaan, haddaba madaxweynaha soo socda waxaa laga rabaa in uu isku soo dumo quluubta maamullada kana shaqeeyo in awoodda dowladda lagu wareejiyo dadweynaha oo ay ka shaqeeyaan maamullada dhismaha dowladaha hoose iyo in ay soo doortaan wakiilladooda.

Arrimaha Dibadda:

Soo celinta Walaaltinnimada  Djibouti:  Xukuumaadda madaxweyne Farmaajo Hoggaamiyo waxay cadaawad u muujisay dalka Djibouti oo ah dal ay Soomaaliya dhiig wadaagaan, burburkii kaddib lix madaxweyne oo Soomaaliya soo martay saddex ka mid ah waxaa lagu doortay dalkeeda, Hiil-walaal oo ciidamo nabad ilaalin ah ayaa ka jooga halkan, sidaas ay tahay Farmaajo waxaa uu saxiib ka dhigtay Eretria oo ah dal cadaw la ah Djibouti, madaxweynaha soo socda waa inuu soo celiyo kalsoonida Djibouti.

Dib u eegista xiriirka Eretria iyo Soomaaliya: Madaxaweyne Farmaajo waxa uu saaxiib ka dhigay dowlad Soomaaliya darteed cunna-qabateyn loo saaray isaga oo halkaa u diray ciidan Soomaaliya si loogu soo tababaro, waa dal ku eedeysan inuu taageero siiyo kooxo amni darro ka geysta Soomaaliya loona yaqaanno Kuuriyada Woqooyi ee Africa. 

 Soo Celinta Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya: Dalka Kenya marka laga soo tago in aan isku haynno xudduud badeed, waa dal ka mid ah ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM,  waa dalka keliya oo hal milyan oo qaxooti Soomaaliyeed ah magangelyo siiyay 30-kii sano ee la soo dhaafay, Soomaali badanna ay dageen, dad badan oo Soomaaliyeed wax ka bartaan,  haddana waa albaabka Soomaaliya ee caalamka ay ka gasho, inta badan diyaaradaha duulimaadka ee Soomaaliya ka shaqeeya waxay ka diiwaan gashan yihiin Kenya, laakiin maamulka Farmaajo xiriirka ayuu u jaray, madaxweynaha soo socda waa inuu soo celiyo xiriirkaas, kana shaqeeyo deris wanaagga labada dal.

Hagaajinta xiriirka Khaliij-ka: Marka laga soo tago xiriirka walaalnimo iyo inay sannad walba kabi jireen miisaaniyadda, Gacanka waxaa uu ka mid ahaa meelaha uu ku tiirsanaa ganacsiga Soomaaliya, inta aanu Farmaajo imaan waxaa loo dhoofin jiray illaa 5 Milyan oo xoolo ah sannadkii, siyaasad xumadiisa darteed waxaa uu dhex galay khilaaf gudahooda ka taagan, taasi oo saameysay kobaca dhaqaalaha, madaxweynaha soo socda waa inuu soo celiyaa xiriirkii wanaagsanaa ee Khaliijka Arabta.

Sacuudiga: Boqortooyada marka laga soo tago inay kabi jirtay miisaaniyadda haddana waxay ahayd dalka ugu badan oo doofsan jiray xoolaha, hadda waxaa ay albaabka kasoo laabteen maamulka Farmaajo, madaxweynaha soo socda waa inuu la yimaadaa dhaqan wax saxaya

Imaaraadka: Dalka Imaaraadka isna xiriirka walaalnimo ka sokow waxaa uu ka mid ahaa dalalka kaba miisaaniyadda,  oo albaab u ahaa ganacsiga Soomaaliya la lahayd khaliijka iyo Asia, hadda waxaa aad u xun xiriirka ay la leeyihiin Farmaajo oo kala saftay Qatar, madaxweynaha soo socda waa inuu soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee Imaraadka.

Dib u eegista xiriirka Masar iyo Soomaaliya: Dalka Masar waa dal xiriir taariikhi ah nagala dhaxeeyo, Soomaaliyana taageeray marxalado kala duwan, Soomaaliya waxay ka hor timid qaraar jaamacadda Carabta kasoo baxay, oo biyaha Nile la xiriiray, oo Itoobiya lagu cambaareeyey, Soomaaliya waxay qaadatay qaraar ku noqon doona caqabad mustaqbalka oo saameyn doona heshiis biyeedka Soomaaliya iyo Ethiopia, madaxweynaha soo socda waa inuu soo celiyo saaxiibkaas soo jireenka ah.

Hagaajinta xiriirka Saaxiibbada Caalamka ee Soomaaliya: Intii uu Farmaajo joogay waxaa aad u xumaaday xiriirka maamulkiisa iyo beesha caalamka, Mareykanka iyo Midowga Yurub oo labadaba kaba miisaaniyadda dowladdiisa waxay yareeyeen ama joojiyeen hawlo badan ay qaban jireen, soo celinta kalsoonidooda waa shaqada 1-aad ee madaxweynaha soo socda.

Qaramada Midoobay: Go’aanka lagu ceyriyey Nicholas Haysom oo ahaa wakiilka Xoghayaha qaramada midoobay iyo sida hay’adaha UN-ka loola dhaqmo xilligan waa arrimo kale oo madaxweynaha soo socda toosin uga baahan.

Xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya: Mareykanka waa dal kale oo aqoonsigiisa kaddib ay Soomaaliya heshay aqoonsi caalami ah iyo inay illaa 40 dal safaarado ka furtaan gudaha dalka, Soomaaliya waxa uu kala baxay ciidankiisa gaarka ah ee la dagaallami jiray Al-shabab, maanta waxaa aad u liita kalsoonida ay ku qabaan maamulka Farmaajo, madaxweynaha soo socda ayaa laga sugayaa inuu soo celiyo kalsoonida Mareykanka.

Dib u soo celinta xiriirka Guinea: Soomaaliya waxay xiriirka u jartay Jamhuuriyadda Guinea kaddib markii uu booqasho ku tagay madaxweynaha Somaliland, taas oo madaxweynaha soo socda laga sugayo inuu soo celiyo xiiriirkeeda.

Marka laga tago in madaxweynaha soo socda looga fadhiyo  hawlo badan oo ay ka mid tahay dhammeystirka dastuurka, dhisidda hay’adaha dowladda, daadajinta nidaamka dowladda, dib-u-heshiisiinta, sugidda amniga iyo gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah, waxaa laga sugayaa in la xalliyo dhibaatadii uu geystay madaxweyne Farmaajo si ay Soomaaliya uga soo kabato colaaddii ayna dib ugu soo noqoto saaxada caalamka. Soomaaliya waxay u baahan tahay saaxiibbo dibadda ah oo ku dhisan nabad iyo xasillooni gudaha dalka ah tasoo soo jiidan karta maalgashatada caalamka.

Goobjoog News