U bood dhigaalka

25 Qof Oo Ku Geeriyootay Duqeymo Ka Dhacay Waqooyig Syria

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 25 ayaa  ku geeriyootey duqeymo ka dhacay waqooyiga dalka Syria taas oo lala beegsaday saldhig Miltari oo ay ku lahaayeen Ururka Fatxullaahi oo halkaasi ku yaallo.

Ururka u ololeyo kooxaha mucaaradka Syria oo xaruntiisu tahy magaalada London ee wadanka UK ayaa waxa uu sheegay induqeymo badan ay ka dhaceen magaalada Idlib oo ay gacanta ku hayaan daacish , waxa ay intaasi  ku dareen in duqeyntaasi ay ku dhinteen hoggaamiyeyaal sarsare oo ka tirsan ururka daacish balse aan hadda magacyadooda aan si dhab ah aan loo ogeyn .

Ururka Fatxullahi sham ayaa waxa uu sheegay in duqeynta loo geystahy saldhigooda ay ka dambeen mareykanka iyo Ruushka.

Waddama Turkiga iyo Ruushka ayaa waxay isku raaceen in kooxda fatxullah shaam oo horey loogu yaqaanay magaca Jabhatul Nusra iney tahay koox Argagixiso.

In ku dhow 10 ka tirsan mucaaradka Syria ayaa waxay sheegeen iney ka qeyb gali doonaan wadahadalada lagu wado iney ka furmaan magaalada caasimadda wadanka Khaasiqistaan.

Goobjoog News