U bood dhigaalka

26 Dal Afrikaan ah oo Sharm El Sheikh ku Saxiixay Heshiis Ganacsi oo Xor ah

Sheeko:Dalka

Hogaamiyaasha 26 dal oo Afrikaan ah ayaa magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar ku saxiixay heshiis ganacsi oo xor ah.

Wadamadan Heshiiska ku gaaray Sharm El Sheikh Waxaa ay baaxadooda gaarayaan  Cape Town xagga Koofurta ah ilaa Qaahira dhanka Waqooyiga.

Waxaa ururkan ku Midoobi doona 3-da urur ganacsi ee ugu waaweyn Qaaradda Afrika sida (COMESA) oo ahaa Bariga iyo Koofurta Qaaradda, (SADC) oo ahaa Wadamada Koofur Afrika iyo (EAC) ee Bariga Afrika.

Heshiiska Wadamada ay ku gaareen Sharm El Sheikh waxaa uu dhigayaa in dalalkaas ay abuuraan suuq ganacsi oo xor ah, taas oo horseedi doonta in la mideeyo Ganacsiga Qaaradda .