U bood dhigaalka

26 Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Pakistaan

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Lahore ee  ku taallo bariga Pakistan, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin dhanka ammaanka ah.

Qaraxaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay in ka badan 50 qof, kaasi oo lala eegtay meel u dhow suuq khudaarta lagu iibiyo ee magaalada Lahore.

Mas’uuliyadda weerarkaan ayaa waxaa sheegtay ururka Taalibaan oo iyagu siweyn uga soo horjeeda xukuumadda Pakistan.

Qaraxaan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ka dhaca Lahore, bishii April ee tagtay ayaa kooxda Taalibaan waxay weerartay shaqaalo ka tirsan ciidamada dowladda Pakistan ,kuwaas oo sameynayay tiro koob , waxaana weerarkaas ku dhintay 6 qof halka ay ku dhaawacmeen 18 kale.

Kooxda Taaliban oo ka dagaalanta Pakistan waxay xiriir aan buurneyn laleedahay Taalibanta ka dagaalanta Afghanistan waxayna xoogga saartaa sidii ay u beegsan laheyd xarumaha dowladda.