U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka Burundi Oo La Afgambiyay isagoo Dalkaasi Ka Maqan

Sheeko:Dalka

Jeneral u dhashay dalkaasi ayaa afgambiyay Madaxweynaha dalka Pierre Nkurunziza taasi oo soo afjareysa muran ka dhashay kadib markii Madaxweynaha uu go’aasaday in doorasho isu soo taago markii 3-aad.

Maj Gen Godefroid Niyombareh ayaa sheegay in dalkaasi ay maamuli doonaan guddi KMG ah, lama oga taageerada uu ka heysto dadka reer Burundi.

Madaxweyne Nkurunziza oo haatan ku sugan Tanzania oo Madaxda Afrikada Bariga uga arinsanayaan Burindhi ayaa afgambiga ku tilmaamay”Kaftan Siyaasadeed”

Hogaamiyaasha bariga Afrika ayaa maanta oo Arbaco ah ku shiraya xarunta Tanzaniya ee  Dar es Salaam si ay uga arinsadaan xaaladda qasan ee Burundi.

Wasiirada arimaha dibadda dalalka Kenya, Rwanda, Tanzania , Uganda iyo Burundi ayaa talaadadii ku kulmay Dar es Salaam, iyagoo ka wada hadlay dhibaatada ka taagan dalka Burundi, wasiirada ayaa u gogol xaarayey sidoo kale shir Madaxeedka Arbacada.

Dhibaatada ayaa bilaabatay kadib markii uu Madaxweynaha dalkaasi iyo Madaxda xisbiga talada haya Pierre Nkurunziza uu go’aasaday in uu isu soo taago doorashada dalka ka dhaceysa bisha June 26.

Nkurunziza oo ka tirsan Qabiilka ugu tirada badan dalkaas ee Hutu ayaa Madaxweyne ka ahaa ilaa 2005, dadka ku nool dalka gudihiisa iyo xitaa beesha caalamka ayaa cadaadis ku saaray Nkurunziza in aanu mar dambe jagadaas isku soo sharixin.

Dibadbaxyo ay dad badan ku dhinteen ayaa ka dhacay dalkaasi, waxaa sidoo kale lagu waramayaa in dadka kor u dhaafaya 50,000 ay ka tilaabeen xadka dalkaasi uu la leeyahay wadamada dariska.