U bood dhigaalka

3 Ardey Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Saddex ardey oo walaalo ah ayaa goordhow ku dhaawacmay deegaanka Ajibka oo ka tirsan Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Ardeydan ayaa saarnaa gaari la rasaaseeyey, waxaana xabad heshay Hodan Daahir halka Safiyo  iyo Zakariye oo isla ilmo Daahir ay qaabab kale ku dhaawacmeen, waxaa kale oo la sheegayaa 2 kale oo iyagana halkaasi ku dhaawacmay.

“Eedo,  Hodan xabad ayaa ku dhacday, laakin Safiyo gaariga ayey iska tuurtay, Zakariyana taayar ayaa kor maray ayaa la ii sheegay” sidaasi waxaa tiri eedadood oo la hadashay Goobjoog News.

Ardeydan oo da’ ahaan isku dhow ayaa ku jiray dugsiga sare, iyaga oo dhameyn lahaa sanadka dambe, waxaa ayna dhiganayeen iskuulka Al-anwaar.

Caruurta ayaa hadda waxaa la dhigay isbitaal Shaafi kadib markii laga soo qaaday isbitaalka Madiina oo horay loo dhigay.

Gaariga waxaa rasaaseeyey askar halkaasi isbaaro u taalo, qaraabada ardeyga ayaa sheegaya iney dhici karto in lacag laga rabay gaariga.

Goobjoog News