U bood dhigaalka

3 Caruur oo Shuban Biyood Ugu Geeriyoodey Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyey ilaa 3 caruur ah ayaa shuban biyood ugu geeriyootey halka 7 kale isbitaallada la dhigay duleedka magaalada Muqdisho.

Kaamka Maandeeq oo ku yaallo KM13 ee galbeedka Muqdisho ayaa laga sheegayaa xaalad nololeed oo aad u adag, dad badan oo ka soo cararay dagaallada iyo abaarka shabeelada hoose ayey mid ka daran ku heysataa kaamka.

Dadka qaar ayaa la sheegayaa in naqaddo darro darteed ay barareen, waxayna codsanayaan kaalmo banii’aadnimo cunto iyo caafimaadba leh.

Dowladda federaalka ah iyo hey’adaha gargaarka ayaan ilaa hadda ka jawaabin baahida dadkaasi ku dhibaateysan duleedka Xamar.

Kaam aan kaasi ka fogeyn ayaa waxaa baahi ugu geeriyoodey 13 qof, taasi oo aaney sidoo kale ka jawaabin dowladda fedeaalka ah.

Goobjoog News