U bood dhigaalka

3 Cashar Oo Laga Bartay Doorashadii UK

Sheeko:Dalka

Doorashadii Khamiista ka dhacday UK, waxaa laga bartay casharkii ah in dadka UK aan la sadaalin Karin, waa qaladkii 2aad uu ra’isul wasaare ku dhaco muddo sanad ah, horay waxaa dalka afti aan loo baahneen u diray David Cameron taas oo soo dedejisay is casilaadiisa hadana Theresa May  oo doorasho dalkaasi u dirtay iyada oo aan xiligeeda la joogin, Labaduba waa ku khasaareen.

Doorashadii Khamiistii dhacday, , waxaa aqlabiyaddii lumiyay xisbiga Conservative-ka taasi oo ka dhigan in Theresa May ay dhisi doonto xukuumad minority ah oo ay kula bahoobeyso xisbiga 10-ka kursi helay ee Democratic Unionist Party.

Doorashada UK, waxaa ku faa’iday xisbiga Labour-ka, oo  waxaa uu helay doorashadan  262 kursi, 30 kursi ayaa ka dheeraad ah doorashadii 2015-kii.

Hoggaamiyaha xisbiga Labour-ka Jeremy Corbyn  waxaa uu Theresa May ka dalbaday in ay casisho, laakin iyada waxaa ay ku doodeysaa in dalka uu u baahan yahay xasilooni, xisbigeedana uu hubin doono.

Doorashadan waxaa codeeyay 45.8 million, iyaga oo doortay Xildhibaanno gaaraya  650, xisbigii hela 326 waxaa uu sida uu doonaya ka yeelan lahaa maamulidda UK.

Hadaba, Casharada laga bartay waxaa ka mid ah:

1. In Dadka UK Aan La Saadaalin Karin:

Shacabka UK degan gaar ahaan inta codeysay 45.8da  million ah waxaa ay ra’isul wasaaraha Theresa May u sheegeen sida ay wax u arkaan, taasi oo ka duwan sida ay filanaysay markii hore, waa markii 2aad uu ra’isul wasaare hungoobo muddo sanad ah kadib markii horay u guuldareystay David Cameron.

2016-kii, David Cameron  oo ahaa ra’isul wasaaraha Ingiriiska ayaa keenay qorshaha aftida, waa ninka horkacayey in ay midowga Yurub lagu sameeyo hagaajin iyo islaax, aftida kadib  waxaa ku dhacday dharbaaxo taariikhi ah, tilaabadaas qar iska tuurka ah waxaa uu sidoo kale ku waayey shaqadiisa.

2. Sharciyadda Theresa May:

Haddii ra’isul wasaare Theresa May ay rabtay in ay ogoaato shacbiyadeeda waa ogaatay, waxaa intaa dheeraa iyada oo xisaab been isku dar-dartay, doorashada ka hor waxaa ay 100% hubtay in shacabka UK ay kalsooni siin doonaan, laakin taasi ma dhicin.

3. IN Ka Bixitaanka Yurub Aan Lagu Mideysneen:

Shacabka UK, kuma mideysna ka bixitaanka midowga Yurub, sida aaney ugu mideysneen la joogideeda, xitaa kolkii aftida dhacday June 2016-kii bixitaanka waxaa u codeeyay 52% , natiijada marka ay soo baxday qaaradda Yurub ayaa gilgilatay, doorashada hadda dhacday waxaa ay mar kale caddeysay kala qeysanaan xoogan.

Goobjoog News