U bood dhigaalka

3 Macalin Oo Lagu Afduubtay Xerada Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Dabley hubeysan ayaa sadex(3) macalin ka afduubtay Hagadera oo ka tirsan Dhadhaab ee gobolka Garisa, waqooyi beri ee dalka Kenya.

Macalmiinta Kenyaanka ah ee la afduubtay waxaa magacyadooda lagu sheegay Isaac Mwangi, Alfred Mwangangi iyo Isaac Kaniu.

Macalimiinta waxaa laga afduubtay Udha Academy , waxaa kaloo la sheegayaa in sadex(3) macalin kale oo ka dhuuntay ragga hubeysan.

Sida ay qortay Standard Media, waxaa goobta ka dhacay xabado dad lagu dhaawacay, waxaana socdo baaritaan arrinkaas la xiriira, waxaa kaloo la sheegayaa in Macaliniintaas lala soo aaday dhanka Soomaaliya.

Goobjoog News