U bood dhigaalka

3 Qof oo uu Cunug Dhallaan Ku Jiro Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax saacado kahor ka dhacay agagaarka hoygii iyo madaxtooyadii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad ee degmada Hodan, Muqdisho ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen 3 qof oo ay ku jiraan dhallaan iyo hooyadii.

Qaraxan oo miino ahaa oo lala eegtay ciidamo halkaasi marey ayey waxyeellada soo gaartay bajaajle ahaa wade iyo dhallaan iyo hooyadii oo la socday, waxaa sidoo kale dhaawacmay labo kale.

Miinadan oo la dhigay jidka dhexdiisa ayaa waxaa ay ciidamadu bilaabeen baaris, lama oga in dad loo qabqabtay iyo in kale.

Wararkii soo kordha halkan kala soco.

Goobjoog News