U bood dhigaalka

3 Talo Oo Ku Aaddan Ilaalinta Caafimaadka Indhaha

Sheeko:Caafimaadka

Dad badan ayaa waxey la dhibaatoonayaa cudurrada dhanka indhaha ah, nimaadka cunnadooda oo khaldan awgeed, arrintaas oo marka ay sii korortana gaarta in araggu uu daciifo, waa sida ku dhacda inta badan caruurta.

Dr. Shariif Jamaal oo ah dhakhat cudurrada indhaha ku takhasusay oo la hadlay jariidada “Youm7” ee dalka Masar ka soo baxda ayaa waxa uu sheegay in aaney jirin talooyin qofka si gaar ah looga siin karo waxyaabaha aragga daciifiya, isla markaana aaney cilmi ahayn, sidaa darteedna; ay waajib tahay in caafimaadka indhaha guud ahaan la dhowro oo talooyinkanna la raaco.

1- In la raaco nidaam cunno caafimaad oo wanaagsan oo ay ku jiraan vitamin A, B iyo Omega-3.

2- In lagu dadaalo cunista khudaarta midabbeysan, sida kaarootada iyo yaanyada ama tamaandhada qof weliba sida uu u yaqaanno.

3- In saacado nidaamsan la seexdo, si aaney indhahu u daalin.

Waxa uu caddeeyay dhakhtarku in qalabka electronic-ga ah aanuu aragga waxba ka daciifin sida dadka qaar ay aaminsan yihiin, in qofku uu daal dareemaa waxey ka dhalineysaa waqtiga dheer ee uu qalabka hor fadhiyo.

Goobjoog News