U bood dhigaalka

3 Xildhibaan Oo Maanta Cadaado Lagu Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada aqalka hoose ee magaalada Cadaado maalmahan ka socotay ayaa maanta waxaa laga soo doortay 3 xildhibaan oo midi haweeneey ay tahay.

Kursigii koowaad waxaa ku wada tartamay Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Shukri Cabdi Faarax, waxaana codeynta kadib guddiga doorashada ay shaaciyeen in 40 cod uu ku guuleystay Cabdixakiin Macallin oo kamid noqday golaha shacabka.

Kursigii labaad ayaa isna waxaa ku wada tartamayay Cali Axmed Shariif iyo Cabdirisaaq Maxamed Axmed waxaana 49 cod ku soo baxay Cali Axmed Shariif.

Kursiga seddexaad oo maanta ay ku hardamayeen haween ayaa waxaa Nadiifo Faarax Jaamac ay 44 cod kaga guuleysatay kursiga xildhibaannimo Xabiibo Maxamed Guuleed.

Galmudug ayaa waxaa u harsan weli 3 xildhibaan oo guddiga doorashada dadban ee heer gobol ay sheegeen in maalmaha soo socda la dooran doono.

Goobjoog News