U bood dhigaalka

30% Faa’ido Ka Badan Tii Hore Oo Labo Maalmood Gudahood Ka Soo Xarootay Garoonka

Sheeko:Dalka

Kormer ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ku tageen garoonka Aden Cadde, waxaa lagu ogaaday in isbadalka waaxda canshuuraha ee garoonka uu keenay faa’ido, waa sida ay hadalka u dhigtay wasaaradda warfaafinta.

Kormeerkan oo ku tageen Waaxda Canshuraha Garoonka Diyaradaha Aadan Cadde Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuunita Dadweynaha Eng C/raxman Cumar Cusmaaan , Wasiir ku xigenka Wasarada Maaliyada Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo Wasiiru dowlaha Wasarada Maaliyada Maxamuud Xaayir Ibrahim ayaa aheyd u kur galida howlaha shaqo oo ay halkaas ka bilaween maamulka cusub ee dhawaan loo magcabaay Waxda Canshuuraha ee Garoonka.

Maamulka Cusub ee dhawaan loo magcabaay Waaxda Canshuraha ayaa ka warbixiyey howlaha shaqo ay qabteen ayagoo sheegay iney si wanagsan shaqada u wadaan ayne soo sareen faa’iido ka badan tii hore boqolkiba soddan muddo labo malmood gudahooda  ah.

Wasiir ku xigeenka Waasarada Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo wasiiru Dowlaha Maaliyada Maxamuud Xaayir Ibraahim ayaa ku dhiira galiyey dhamaan maamulka iyo shaqalaha iney dar dar geliyaan shaqada ay u hayaan bulashada wax qabad wanaagsane laa imadaan iskane ilaaliyaan wax walibo oo shaqadooda ku keeneyso dhibaato.

Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Xukumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay iney jireyso isla xisaabtan ku aadan howlaha shaqo kuwi ka horeyeyna lala xisaab tami doono isagoo sheegay ineysan jiri doonin waxa isdaba marin danbe.

Goobjoog News