U bood dhigaalka

30 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Gadoon, Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in  cudurka shuban biyoodka ay deegaankaasi ugu dhinteen dad ka badan 30 qof oo dad waaweyn iyo carruur isugu jirta.

Guddoomiyaha deegaankaasi Cabdi Axmed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in sidoo kale Isbitaalka deegaankaasi ay yaalaan dad ka badan 60 qof, kuwaasi oo lagu dedaalayo xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale Guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in dad saacad walbo qof la keeno isbitaalka Gadoon oo uu tilmaamay inaanu ka jirin adeeg caafimaaad oo dadka ku filan.

“Iyadoo abaarta ay iska jirtay ayaa hadana cudurka shuban biyoodka wuxuu soo ritey dad badan, saacad walbo qof ayaa la keenaa, 30 qofna waa ay u dhimatay cudurka” ayuu yiri guddoomiyaha

Ugu dambeyn guddoomiyaha deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa ugu baaqay guddiga qaran ee gurmadka abaaraha iyo kan Galmudug iney u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban deegaankaasi.

Goobjoog News