U bood dhigaalka

30 Qof Oo Gaajo Iyo Dagaallo Ugu Dhintay B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya Xarunta Hiiraan ee Baladweyne ayaa sheegaya in ilaa 15 qof ay gaajo ugu dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay gudaha magaaladaasi.

Wararka waxaa ay intaa ku darayaan in ay jiraan in ka badan 17 qof oo iyagana ku dhintay dagaalo muddo todobaad ah ka socda isla magaalada.

Guddoomiyaha degmada Baladweyn Cumar Aden Ibrahim oo la hadlay Goobjoog News ayaa ku amray NGO-yada gobolka in shacabka wax u qabtaan 24-saac gudahood ama ay magaalada isaga baxaan, waxaa uu sidoo kale dowladda ugu baaqay in ay gargaar la soo gaaraan dadka.

Dadka deegaanka ayaa la sheegayaa in AMISOM ay kala hadleen in ay wax ka qabato dagaallada ka jira galbeedka Baladweyn.

Goobjoog News