U bood dhigaalka

30 Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaallo Ka Socda Gobolka Soomaali Galbeed

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya beello deggan gobolka Soomaali galbeed iyo Kan Oromada Itoobiya ayaa ka socda xadka ay wadaagaan Labadaasi gobol, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey 30 qof oo u badan Soomaali ayaa ku geeriyootey dagaalkaasi, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay dad kabadan 20.

Dagaalkan ayaa salka ku haya arrimo dhul ah oo ay isku haystaan Labada dhinac gaar ahaan degmo halkaasi ku taalla oo lagu magacaabo Dheka.

Nabadoon Maxamed Mursal oo kamid ah waxgaradka halkaasi ku dhaqan ayaa u sheegay Goobjoog News, in Soomaalida ay marar badan ku gacan sarreysay dagaalkaasi, iyadoo weli aanu jirin cid ka socota dowladda Itoobiya oo Labadaasi dhinac soo kala dhexgashay.

“Dagaallada meesha ay ka socdaan waa qeyb kamid ah xuduudda Kililka Oromada iyo gobolka Soomaali galbeed, Labo qabaa’il oo Labadaasi dhinac ah baa is haysta, waxay isku haystaan dhul, degmada Dheka ayaa la yiraahdaa, waxaana Oromada isku dayeen iney qaataan ama sheegtaan degmadaasi, mana jirto cid weli soo kala dhexgashay” ayuu yiri Nabadoonka.

Ugu Dambeyn Nabadoon Maxamed Mursal ayaa sheegay in ay macquul tahay in dowladda Itoobiya ay soo kala dhexgasho dhinacyada dagaallamaya.

Goobjoog News