U bood dhigaalka

30 qof oo lagu soo qabtay howlgal Maamulka KMG Jubba uu ka sameeyay Jubbada hoose

Sheeko:War

Saraakiisha maamulka kumeelgaarka Jubba ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee magaalada ka dhacay lagu soo qab-qabtay dad ka badan 30 qof.

Korneyl Cabdifitaax Macalin oo kamid ah saraakiisha maamulka KMG ee Jubba ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada ay tahay mid wanaagsan.

Wuxuu sarkaalkani sheegay in deegaanno hor leh ay kala wareegeen xarakada Al-shabaab isla markaana howlgallada ay ahaayeen kuwa magaalada iyo daafaheedaba ciidamada ay ka sameynayeen.

Howlgalladan ayaa ku soo aaday xilli saddexdii maalin ee u dambeeyay ay dagaallo ka socdeen duleedka Kismaayo, kuwaas oo u dhaxeeyay maamulka KMG Jubba iyo xarakada Al-shabaab.

Barre Aadan Shire Hiiraale oo ka mid ahaa dhinacyadii kol hore ku dagaalamay gacan ku haynta Kismaayo ayaa dagaallo kaga hor yimid maamulka KMG Jubba deegaano u dhow Goob-weyn.