U bood dhigaalka

300 Oo Jaraa’id Mareykan Ah Oo U Midoobay Ol’ole Ka Dhan ah Madaxweyne Trump

Sheeko:Caalamka

In ka badan 300 oo jaraa’id oo ka shaqeeya gudaha dalka Mareykanka ayaa isku ballansaday in Khamiista August 16, 2018 ee maanta ay faafiyaan qoraallo ay ku difacayaan xoriyadda saxaafadda si ay uga jawaabaan colleyntanka Trump uu ku hayo saxaafadda, kadib markii uu qaar ka mid ah uu ku tilmaamay iney cadow ku yihiin shacabka Mareykanka, si madaxweynaha loo xasuusiyo dastuurka Mareykanka oo damaanad qaadaya xorriyadda saxaafadda.

Ol’olahan ay saaxafaddu ku midowday ayaa waxaa soo abaabulay jariidada “The Boston Globe“, waxaana ku biiray jariidada The New York Timesiyo jaraa’id kale oo qaarkood ay ku yaallaan gobollo ay dadku si xoog ah ugu codeeyeen Trump 2016.

Golaha tifaftirka jariidada “The Boston Globe” ayaa maqaal ay ku faafiyeen internet-ka Madaxweyne Trump ku sheegay “in ol’ole sumcad dil ah uu ku hayo saxaafadda.”

Waxey sidoo kale maqaalkooda ku yiraahdeen: “Awoodda Mareykanka waxey ku tiirsan tahay saxaafadda xorta ah ee xaqiiqada dhabta ah ka sheegta mas’uuliyiinta… in saxaafadda lagu tilmaamo iney cadow ku tahay shacabka Mareykanka waa arrinta aan caqliyad Mareykan ku imaan, arrintaasi waxey khatar ku tahay heshiiska madaniga ah ee muddo laba Qarni ka badan lagu soo dhaqmayay.”

Jariidada ayaa saxaafadda ugu baaqday in weeraarkaa wasakhda ah (waa sida ay hadalka u dhigtaye) ee saxaafadda ka dhanka ah laga hortago.

Halka dadka difaaca xoriyadda saxaafadda ay ku tilmaameen hadalada Trump uu ku cambaareeyo saxaafadda kuwo ka soo horjeeda cutubka koowaad ee dastuurka kaas oo damaanad qaaday xoriyadda saxaafadda.

Goobjoog News