U bood dhigaalka

300 oo Macallin oo Dacwad Ka Gudbiyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Macallimiin tiradoodu gaareyso 300 oo Macalin ayaa dacwad ka gudbiyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen iney ka dhigatay ‘Jawaan wax lagu beegtay oo laga maarmay.’.

Macallin Cabdiqaadi Macallin Ibraahiim Siraaji Guddoomiyaha Guddiga Macallimiinta Qaran ee Gobolka Benaadir  Oo ku hadlay afka macallimiinta ayaa warbaahinta u sheegay Iskuulaadka ay ka tirsan yihiin oo gaaray illaa 11-iskuul:

“Annagoo ah macallimiinta dugsiyada dowliga ah ee ka howlgala gobolka Banaadir oo kala ah dugsiyo 11 ah, dugsiga sare ee Macallin Jaamac, dugsiga hoose dhexe ee Maxmuud-dayloole degmada wadajir, dugsiga hoose dhexe ee 20-december degmada Waaberi, dugisga hoose dhexe ee degmada Xamar-jajab, dugsiga hoose dhexe Maxamuud Mire ee degmada Waaberi, dugsiga hoose dhexe ee Yaasiin Cusmaan degmada Boondheere, dugsiga hoose dhexe kuleejka agoonta Booondheere, dugsiga hoose dhexe ee Xasan Qariididegmada Howl-wadaag, dugsiga hoose dhexe 21-November degmada Howlwadaag, dugsiga hoose dhexe Hantiwadaag degmada Warta-nabadda, dugsiga hoose dhexe ee Kaaraan ee degmada Kaaraan.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in laga dulmiyay mushaarkii ay xaqa u lahaayeen:

“Annagoo ah macallimiin 300 ah ayaan waxaan ka cabaneynaa in nalaga dulmiyay mushaaraadkii iyo xuquudii aan xaqa u lahayn, maadaama aan ahayn howlwadeenno dowladeed oo ka shaqeynayay dugsiyada tan iyo markii la aasaasay oo dib loo howlgeliyay dugsiyada dowladda sanadkii 2013 xilligaas oo uu xarigga ka jaray madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh iyo Wasiirraddii Waxbarashada Maryan Qaasim.”

Waxa uu sheegay in documentigii loo baahnaa laga dhameystiray inta aan la dejin odoroska miisaaniyadda 2018:

“Mudadaa dheer ee Afarta sanno ah ee aan soo shaqeynayay ayaa waxaa dhacday in sanadkii 2017 miisaaniyadda markii la diyaarinayay qorshe howleedka 2018, dugsiyada dowladda ee gobolka Benaadir in macallimiintooda laga qaday documentiyadii, sawirradii iyo shahaadooyinkii lagu dalbay qaybta mushaaraadka macallimiinta oo ku jirta miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada. Miisaaniyadda dowladda 2018 aan lagu dejin wax khiyaali ah ee fardifadir dadkii sawir looga qaado, macallimiintii dugsiyada si la mid ah shaqaalaha kale ee dowladda, markaa kadibna ay Wasaaradda Waxbarashadu markii ku dhaqanka miisaaniyadda la gaaray ay damceen iney na meermeeriyaan.”

“Waxaan u gudbinnay xeer-ilaaliyaha Qaranka dacwadaannada aan kaga dacwooneyno Wasaaradda Waxbarashada iyo arrinta ay nagula kacday oo ay naga soo qaadday ‘jawaan wax lagu beegtay oo laga maarmay’, gacanna waan ku dacwooneynaa gacanna shaqadii ayaan ku wadnaa.”, ayuu macallin Cabduqaadir hadalkiisa kusoo afmeeray.

Goobjoog News