U bood dhigaalka

305 Ka Mid ah Shaqaalaha Diiwaangelinta Doorashada oo Tababar Loogu soo Xiray Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Guddiga diiwaangelinta doorashooyinka  Somaliland ayaa tobobar ku saabsan  qaabka loo diiwaangelinayo dadka ku dhaqan Sool, waxay u soo xireen 305 arday oo ka  tirsan ardayda dugsiyada sare iyo kuwa Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood.

305 arday oo shaqaale ahaan loogu qaatay  shaqada diiwaangelinta gobolka SooL oo ay Buuhoodlena weheliso;  ayaa waxa laga dhex xushay 800 oo arday oo u fariistay imtixaan shaqaalaysiin ah. iyadoo shaqadani ay ku kooban tahay muddo 21 cisho ah oo ay diiwaangelintu ka socon doonto gobolakaasi.

Wakiilka guddida  doorashooyinka u jooga gobolka Sool Cabdulaahi Laba Go’le  ayaa warbaahinta u sheegay inay dhammaan 305 qof ay yihiin dadkii ku guulaystay imtixaan ay guddigu ka qaadeen 800 arday;  sidaasi darteedna loo siiyey tobobar ku saabsan qaabkii ay u shaqayn lahaayeen, “Waxaanu halkan/laascaanood tobobar ugu soo xirnay 305 kan qof oo dhammaantood ka mid noqon doona shaqaalaha goobaha diiwaangelinta oo midkiiba ay 4 ruux ka hawlgeli doonto  waana u sharaf iyo shaqo labadaba dadka gobolka”, ayuu warbaahinta u sheegay mudane Cabdilaahi laba Go’le.

Tababarkan oo socday labo maalmood  ayaa  305 qof ay iskugu jireen wiilal iyo gabdho, inkastoo aan si gaar ah loo sheegin tirada gabdhaha la shaqaaleysiiyay ee ka mid noqonaya shaqaalaha diiwaangelinta.

Gobolka Sool, ayaa noqonaya kii ugu dambeeyey ee laga qabto diiwaangelinta  qaadashada kaarka cod bixinta  iyada oo markii hore waqtiga loo muddeeyey uu ahaa 13 Bishan August, ayaa hadana siday ay sheegeen guddiga doorashooyinku, codsi ka yimid odayaasha reer Sool oo  ku aaddan in wacyigelin dheeraad ah loo sameeyo, dib loogu dhigay diiwaan gelinta muddo aan wali la cayimin.

Goobjoog News