U bood dhigaalka

32 Qof Oo Ku Dhimatay Diyaarad Uu Ruushka Leeyahay Oo Ku Burburtay Gudaha Suuriya

Sheeko:Dalka

Diyaarad uu leeyahay Ruushka ayaa ku burburtay gudaha dalka Suuriya, waxaana ku dhintay 26 qof oo ahaa rakaabkii saarnaa.

Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in 6 ka mid ahaa shaqaalaha diyaaradda ay iyaguna geeriyoodeen sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka.

Diyaaradda ayaa burburtay ka dib markii ay soo cago dhigan rabtay saldhigga cirka ee uu Ruushku ku leeyahay magaalo-xeebeedka Lattakia ee gudaha Suuriya.

Ruushka ayaa beeniyey in diyaaradda ay la eegteen mucaaradka Suuriya rasaas, balse waxa ay sheegeen in ay diyaaraddu ay u burburtay qalad dhanka Tiknoloojiyadda ah.

Waxa ay sheegeen in hadda ay wadaan baaritaanno la xiriira waxa sababay burburka diyaaradda.

December 2017, ayay ahayd markii Mucaaraddka Suuriya ay la eegteen madaafiic Saldhigga Ruushka ee ku yaalla gudaha Suuriya, taas oo ay ku soo rideen diyaarad.

Goobjoog News