U bood dhigaalka

34 Qof Oo Soomaalida Kenyaan Ah Ayaa Lagu La’yahay Dalkaas, Human rights Watch

Sheeko:Dalka

Hey’adda u doodad xuquuqda aadanaha ee Human rights Watch ayaa Isniintii sheegtay in la la’yahay ilaa 34 qof oo ah Soomaalida Kenya.

Hey’adda waxaa ay ku doodeysaa in sharciga ay dowladda Kenya ka dejisay la dagaalanka argigixisada si qaldan loo isticmaalay labadii sano ee la soo dhaafay.

Dadka Soomaali Kenyaanka ah ee la la’yahay waxaa ka mid ah” Culim iyo Macalimiin wax ka dhiga Iskuullada Islaamiga ah.

Militariga dalkaas ayaa u dhaco guryaha Soomaalida iyagoo la baxa dadka ay tuhmaan in ay ku lug leeyihiin argigixiso, sidaa waa sheegtay hey’adda Human rights Watch

Hey’adda waxaa kaloo ay hoosta ka xariiqday in dadkaas aan loo soo jeedin wax eedeyn ah ama aan la soo taagin Maxkamad.

Goobjoog News