U bood dhigaalka

35 Qof Oo Ku Geeriyootay Weerar Ka Dhacay Dalka Turkiga

Sheeko:Dalka

Weerar ka dhacay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 35 qof, waxaana ku dhaawacantay 40 kale ka dib markii qof hubeysan uu weerar uu ku qaaday meel lagu caweynaayey oo ku taalla magaaladaasi .

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay meel lagu magacaabo Reina oo ku taalla deegaanka Ortakoy oo ah meel ay deganyihiin dadka dhaqaalaha haysta, waxaana ka socatay xaflad loogu dabaaldegaayey soo dhaweynta sanadka cusub ee 2017 .

Duqa magaalada  Istanbul Haashim ayaa waxa uu sheegay in guud ahaan weerarka uu geestay 35 dhimasho ah  iyo dhaawac farabadan waxa uuna ku tilmaamay weerarkaasi mid argagixiso  waxa uu intaas ku daray in dadka dhintay  uu ku jiro mid ka mid ah saraakiisha booliska ee wadanka Turkiga .

Xarunta dadka joogay ayaa waxaa lagu qiyaasay dad kor u dhaafayo 5000, ilaa 6000 marka uu weerarka dhacayey.

Warbaahinta qaar ayaa waxay soo xiganeysaa dad Goob joogayaal ah kuwaas oo ku waramayo in dadka weerarka geystay ay tiro ahaan ay gaarayaan Labo qof halka warbaahinta qaar ay sheegayaan inuu ahaa Hal qof , waxaa sidoo kale warbixinada ka imaanayo turkiga ay xaqiijinayaan  weerarka iney geesteen labo qof waxayna ku hadlaayeen Afka carabiga.

Goobjoog News