U bood dhigaalka

3500 Oo Rayid Ah Ayaa Maalin Walba Ka Baxsado Dagaallada Koofurta Suudaan, Q.M

Sheeko:Caalamka

Qaramada  Midoobay  oo ka digtahy  iney sii socdaan holwlaha  barakaca ah  ee ka socda wadanka Suudaanta koonfureed xilli ay  kumanaan ruux ay halkaasi iskaga hayaamayaan iyagoo dadkaasi ay uqaxayaan wadamada deriska ah.

Afhayeen u haladay Hey’dda qaramada  midoobay ee arrimaha qaxootiga oo lagu magacaabo IStiviil  Dogiriik   ayaa sheegay in warsaxaafadeed ay soo saaratay qaramada midoobay lagu sheegay  in 3500 oo qof ku dhawaad ay ka qaxeen wadanka Suudaanta koonfureed .

Warsaxaafadeedka ay soo saartay qaramada midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka ka cararaayo ama ka qaxaayo wadnaka Suudaanta koonfureed  ay u badanyihiin haween iyo caruurta da,doodu u dhaxeyso  9, 10 sano  iyadoo  Hey’adda qaramada midoobay ee arrimaha qoxtiga ay dadaal badani ay ku bixineyso sidii  dadkaasi loogu heli lahaa  ammni iyo kaalmooyin bani aadanimo.

Dhanka kale mas’uul sare oo ka tirsan  Qaramada midoobay oo warbaahinta kula hadlay xarunata  Qaramada midoobay ee  Neyork  ayaa sheegay in qarmada midoobay ay ka walwalsantahy arrinta nabad galyada  Afahayeenkii kooxaha mucaaradka  suudaan ninka lagu magacaabo JEmis  oo dhawaan lagu xiray suudaanta koonfureed

Dagaalka wadanka suudaan koonfureed oo udhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradka ayaa bilowday  bartamihii bishii December sanadii 2013 iyadoo ka dib ay iskaga baxeen qaar ka tirsan hogaamiyaasha mucaaradka  ka hor inta aan la saxiixin heshiiskii u dhaxeeyey kooxaha  dirirtu u dhaxeyso  bishii Ougest  2015 markaas oo lagu heshiiyey in la dhiso dowlad midnimo qaran.

Balse  8dii julay ayaa waxaa dhacay iska horimaadyo udhaxeeya  labada dhinac taasoo keentay in ka badan dhimashada 200 oo qof  iyo barakicinta  36kun oo qof oo kale  kuwaas oo u qaxay  xarumo ay qaramada midoobay ay usameysay.

Goobjoog News