U bood dhigaalka

36 Daacish Ah Oo Lagu Daldalay Dalka Ciraaq

Sheeko:Dalka, War

Dowladda Ciraaq ayaa daldashay ilaa 36 ka tirsan dagaalyahannada Daacish, raggan ayaa lagu eedeeyay dilka 1700 askari oo Ciraaqiyiin ah oo lagu dilay weerar ka dhacay saldhig ay Mareykan lahaayeen 2014-kii.

kooxda Daacish ayaa la sheegayaa in ay dadkaas dileen markii ay saldhigga qabsadeen, saldhigga waxaa uu ku yaalla agagaarka magaalada uu ku dhashay madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam ee Tikriit.

Bishii hore, Ra’isul Wasaaraha dalkaasi Xeydar Al-Cabaadi waxaa uu sheegay in la dadajin doono dilka raggaas si loogu aargudo askarta xaq darrada lagu dilay.

Goobjoog News