U bood dhigaalka

37 Oo Ku Geeriyootay Diyaarad Laga Leeyahay Turkiga Oo Ku Dhacday Kazakhstan

Sheeko:Dalka

Subaxnimadii hore ee saakay oo Isniin ah ayaa waxaa burburtat diyaarad xamuul ah taasi oo laga leeyahay wadanka Turkiga.

Diyaaradda ayaa waxay ku dul burburtay tuulo u dhaw Garoonka  Maanas,  magaalada  Beeshik  ee caasimadda wadanka  Kazakhstan taas oo keentay dhimashada Toboneeyo qof oo u badan dadka tuulada  ay ku dul burburtay diyaaradda.

Wasiirka gaadiidka wadanka Kazakhstan ayaa wakaaladda wararka AFP  waxa uu u sheegay  in isku geynta dadka wax ku noqday shilka ay kor u dhaafayaan  37 dhimasho ah  sida ay soo saartay tiro koobkii ugu dambeeyay ee wasaaradda caafimaadka Kazakhstan.

Wasaaradda xaaladaha degdegga ah ayaa waxay sheegtay in diyaaraddu ay ahayd nuuceeda Poyang 747  ay burburtay taasi oo loo sababaynaayo marka ay duulaysay ayaa waxaa garoonka ka  jiray ciiryaamo aad u badan , diyaaradda ayaa waxay ka soo baxday Hong Kong waxayna ay safar u ahayd oo ay ku sii jeeday magaalada Istanbul ee caasimadda wadanka Turkiga.

Tiro koobka ay wasaaradda ay soo saartay ayaa waxaa intaas ay ku daraysa  in burburka diyaaradda uu sababay inay burburaan 15 guri  sidoo kale waxay waxyeello ay ka soo gaartay 6 caruur ah  2-dii duuliye iyo 2 shaqaale oo la socdey diyaaradda burburtay .

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa waxay u sheegeen Goob joogayaal ay la hadashay ayaa waxa uu u sheegeen in guud ahaan ay dhinteen  qoysaskii ay diyaaradda ay ku dul dhacday magaalada  taas oo dhowr KM ay u jirto  Garoonka  Maanaas , waxayna intaai ku dareen in dadka ay jiifeen  marka uu dhacaayay shilkaan .

Goobjoog News