U bood dhigaalka

4 Calaamadood Oo Muujineysa In Computer-ka Lagaa Jabsaday

Horumarka ballaaran ee laga gaaray internet-ka, waxaa barbar socda hackers-ka tuugo ah oo aaladaha jabsada, waxey la jaanqaadaan horumarka teknolojiyada, waxey u dan leeyihiin ayaa ah xogtaada gaar ah iyo dhaqdhaqaaqaaga iney la socdaan.

Hadaba, waxaa jira calaamado lagu garto marka computer-kaaga la jabsado, waxaa ka mid ah 4-tan calaamadood:

1-Gaabis lama filaan ah

Gaabis lama filaan ah ayaad ku arkaysaa Computer-ka aad isticmaasho oo si lama filaan ah culeys u noqonaya, arrintaasi oo ka dhigan in computer-ka dhaqdhaqaaqiisa la la socdo oo cid kale ay ilaashaneyso.

2- Isticmaalka Internet-ka oo kordhaya

Haddii internet-ka aad isticmaashaa uu yahay mid gaar kuu ah oo aad dareento in isticmaalkiisu si lama filaan ah u kordhay, adigoon dhaqan cusub ama sidii hore si ka duwan u isticmaalin, waxey arrintaasi ka dhigan tahay in cid kale ay kula isticmaaleyso.

3- Barnaamijkii aad isticmaaleysay oo si lama filaan ah u istaaga

Haddii barnaamijka aad adeegsaneyso uu si lama filaan ah uu u istaago, tusaale; ahaan Chrome-kii aad isticmaaleysay ayaa joogsaday, arrintaasi waxey ka dhigan tahay in nidaamkaaga gaarka ah la jabsaday ama uu virus haleelay.

4- Xayaysiimo iskood u soo muuqanaya

Waxaad qalabkaaga ku arkaysaa xayaysiimo iskood isku soo dabacaya oo adigoon dalban ka soo muuqanayo computer-ka, xayaysiimahaas waxey wataan virus kale oo computer-ka lagu sii abuurayo si loo sii qabsado.

Goobjoog News