U bood dhigaalka

4 Carruur Ah Oo Ku Geeriyootey Qarax Ka Dhacay Mandhera

Sheeko:Dalka

Wararka ka imanaya deegaanka Takaba ee Mandheera ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhimatay Afar carruur ah, kadib qarax miino oo deegaankaasi ka dhacay.

Carruurtan ayaa la sheegay in ay ku ciyaarayeen miinadan oo ay dhagxaan ku garaaceen, kadibna ay ku qaraxday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Saraakiisha Booliiska Mandhera ayaa xaqiijiyey in sidoo kale uu jiro dhaawaca Labo carruur ah oo iyaguna halka qaraxa uu ka dhacay ku sugnaa.

Marar badan, maamulka Mandhera ayaa uga digey shacabka in aan lagu dedegin walaxaha aan la muuq aqoonsan.

Goobjoog News