U bood dhigaalka

4 Madaxweyne Dowlad Goboleed Oo Kismaayo Ku Hoyanaya

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa caawa ku sugan madaxda dowlad goboleedyada halkaasoo uu maalinka berri ah uga furmayo shirka gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Shirkani oo horay uu u iclaamiyay guddoomiyaha gollahani ahna madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo kale duwan sida xaaladaha ku geedaaman maamullada shanta ah iyo sidoo kale arrimaha Soomaaliya.

Kismaayo caawa waxaa ku hoyanaya madaxweynayaasha Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle Axmed Ducaalle Xaaf, Cabdiwali Cali Gaas iyo Maxamed Cabdi Waare marka laga soo tago madaxweynaha martida loo yahay ee Axmed Madoobe.

Goobjoog News ayaa ogaatay in shirka lagu soo hadal qaadi doono wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ee Jubbland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in maalinta berri gallinka hore uu gaaro magaalada Kismaayo.

Shirkani oo noqonaya kii seddexaad oo gollahani ay yeeshaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo cilaaqaadka ka dhaxeeya dowladda iyo Jubbaland muddooyinkii dambe uu gaaray meeshii u hooseysay, sidoo kale madaxweyne Xaaf ayaa kal hor magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkiisa ka sheegay in dowladdu ay gacan bidixeyneyso.

Goobjoog News