U bood dhigaalka

4 Qof Oo Cudurka Daacuunka Ugu Geeriyootay Gobolka Baay

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka deegaanka Goofgafduud Buurey ee gobolka Baay ayaa sheegay in cudurka Daacuunka uu ka dilaacay deegaankaasi, kaasi oo dad badan soo ritey.

Xasan Xasaney oo ah guddoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Afar qof ay cudurkaasi u dhinteen, iyadoo ay la il daran yihiin in ka badan 15 qof.

“Horey waxaa u jirey abaar iyo biyo la’aan, waxaa hadda nagu soo kordhay cudurka Daacuun Caloolaha, 4 qof ayaa u dhimatay 17 kalena cudurkaan ayeey Isbitaalka u jiifaan, waxaana u sheegeynaa maamulka Koonfur Galbeed, dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samofalka ah in gurmad degdeg ah oo dhanka dawada ah nala soo gaaraan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in cudurkaan uu kusii faafi karo deegaanka Goofgaduud Buurey, sababta cudurkaan ku bilowdayna waxa uu ku sheegay xilliga oo aad u kulul iyo sidoo kale dadka oo cabaya biyo aan nadiif ahayn.

“Biyaha la cabayo waa wasaq, sidoo kale kuleyl badan ayaa jira, waxaan u sheegeynaa dadka iney ka fogaadaan wax walbo oo cudurkaasi keeni kara” ayuu hadalkiisa raaciyey guddoomiyaha.

Inkastoo guddoomiyaha deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay uu sheegay in cudurka Daacuunka ka dilaacay halkaasi, ayaa hadana waxaan jirin cid si rasmi ah u xaqiijisey in cudurkaasi yahay Daacuun ama shuban biyood oo kaliya.

Goobjoog News