U bood dhigaalka

4 Qof Oo Harraad Ugu Dhintay Bandarbeyla, Bari

Sheeko:Dalka

Saciid Anteeno ayaa u sheegay Goobjoog News in xaalado adag ay ka jiraan degaannada ku xeeran Bandarbeyla islamarkaana dadka qaar aynaan heli Karin wax ay cunaan.

Gobolka Bari ayaa qeyb ka ah dhul ballaaran oo ay saameeysay abaaro daran oo kajira gobollada dalka Soomaaliya, waxaana dhulalka ka fog laamiga laga soo sheegayaa in kumanaan qoysas ah ay isaga hayaameen kadib markii xoolihii ay biyo la’aan u baqtiyeen intoodii badnayd.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha Puntland Cabdixakiin Xaaji Cameey ayaa dhowaan ku baaqay in gargaar beni’aadanimo oo degdeg ah oo ay helaan kumanaan qoys si loo badbaadiyo noloshooda.

Sidoo kale, gobollada Nugaal, Sool iyo Sanaag ayaa kamid ah meelaha abaarta daran ay ka jirto ee gobollada dalka Soomaaliya.

Xilli roobaadyada ay heli jireen dadka reer miyiga ah ayaa in muddo ah aynaan helin taasoo keentay dhimashada dadka iyo duunyadooda.

Goobjoog News