U bood dhigaalka

4 Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Jowhar

Sheeko:Amniga

Qarax geystay khaaare soo gaaray dad shacab ah ayaa maanta waxaa uu ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta KMG ah maamulka goboleedka Hirshabeelle, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan qaraxa oo miino dhulka lagu aasay.

Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay wadada isku xirta garoonka Diyaaraha Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar, waxaana qaraxa uu haleelay Mooto Bajaaj halkaas mareysay, waxaana ka dhashay khaasaare dhimasho dad shacab ah.

Waxaa inta la xaqiijiyey qaraxa ku geeritootay ilaa afar ruux oo saarnaa Mootada, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha saldhigga Booliiska Jowhar Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfoow, isaga oo xusay in dadkii la socday ay wada dhinteen.

Qaraxa ka dhacay magaalada ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo laamana ammaanka Hirshabeelle ay howlgallo ka wadaan magaalada, waxaa Jowhar ay martigallinaysaa doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Goobjoog News