U bood dhigaalka

4 Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay Beello wada dega gobolka Sanaag ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel Lafweyne oo gobolkaasi ka tirsan.

Goob joogayaal ku sugan gobolka Sanaag ayaa inoo xaqiijiyey in dagaalkaan uu halkaasi saacado badan ka socday, islamarkaana salka ku hayo aano qabiil oo horay halkaasi uga jirtay, waxayna dagaalladan dhaceyn xalay saq dhexe iyo saakay waabarigii.

Inta la xaqiijiyey Afar qof oo dhinacyada dagaallamaya ayaa halkaasi ku dhintay iyadoo dhaawac uu ka badan yahay Shan qof.

Xaaladda waa mid kacsan, waxaase jira waxgarad ku baxay halka lagu dagaallamay kuwaa oo doonaya in xaaladda ay qaboojiyaan.

Dagaallada la xiriira qaab qabiilka ayaa sidaan oo kale ugu soo laablaabtay gobolka Sanaag.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News