U bood dhigaalka

4 Qof Oo Ku Geeriyootay Shil Ka Dhacay Garoowe

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 4 qof ayaa la xaqiijiyey iney ku geeriyootey shilkaan, iyadoo ay ku dhaawacmeen 7 ruux kale.

Goob joogayaal ayaa soo sheegaya in shilkaan uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Booyad ah oo xowli ku socotay iyo sidoo kale gaari kuwa yar yar ah.

Dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxay saarnaayeen gaariga yar oo burbur xooggan soo gaaray.

Dadka dhaawacmay qaarkood waxaa lasoo sheegayaa iney xaaladooda aad u liidato, kuwaasi oo lagu daweynayo Isbitaalka magaalada Garoowe.

Goobjoog News