U bood dhigaalka

4 Qof Oo Ku Geeriyootey Qarax Ka Dhacay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana qaraxaasi uu sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Miino la sheegay iney ahayd nooca dhulka lagu aaso ayaa ku qaraxday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana halkaasi waxyeello kasoo gaartay askartii goobta ku sugneyd iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa goobtaasi ku geeriyootey 4 qof oo dad shacab ah iyo ciidan isugu jira, iyadoo dhaawacana uu gaaryo in ka badan Shan ruux sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Qaraxa kadib ayaa ciidamadii  kale ee halkaasi ku sugnaa waxaa la sheegay iney kor u rideen rasaas badan, waxaana xaaladda hadda ay tahay mid deggan.

Gabaldhacii shalay ayeey ahayd markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmada Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaare kala duwan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News