U bood dhigaalka

4 Qof Oo Siyaabo Kala Duwan Ugu Geeriyootey Hargeysa

Sheeko:Dalka

Laba nin ayaa xalay lagu dilay gudaha magaalada Hargeysa , labadaasi mid ka mid ah  waxa la dilay  isaga oo ku jira Faramashi uu ku lahaa degmada Ibraahim  Koodbuur kadib markii uu nin madaxa soo duubtay uu ugu soo galay goobtiisa, madaxana kaga furay rasaas.

Ruuxa kale ee lagu dilay magaalada Hargeysa waxaa isna dilay askari ka tirsan ciidanka booliska Hargeysa, waxaana dilkiisa sababay kadib markii gaari uu la socday askariga iyo mid kale oo uu saarnaa marxuumka ay isku khilaafeen marista waddo ay ku kulmeen, taasna ay keentay in askariga uu rasaas furo,  sidaasina waxa ku geeriyooday  askarigii Labaad.

Taliye ku xigeenka Booliska Somaliland  Cabdiraxmaan Iimaan Fooxle  ayaa sheegay in  askarigii  wax dilay uu boolisku gacanta ku dhigeen halka ninka madax duubnaanna loo qabtay qof kale oo la tuhmayo inuu la socday .

Taliyaha ayaa sheegay in falalkani ay dhaceen  isla saacado gudahood isaga oo intaasi ku daray in tahay  dhacdo ku cusub  Somaliland marka loo fiiriyo sanadahan dambe .

Sidoo kale isla xalay waxa magaalada Hargeysa ka dhacay  dhimashada Laba ruux  oo ku geeriyooday shilal ay ku gaysteen booyado siday biyo oo jiiray Laba baabuur oo ay kala wateen Labadan ruux ee dhintay.

Taliye fooxle  oo isna arrintaasi ka hadlay waxa uu ka waramay khatarta ay booyaduhu ku hayaan nolosha shacabka ku nool Somaliland  oo waxuu sheegay in dhimashada ugu badan ay  ee ka dhalata shilalka ay  booyaduhu sababaan .

Saxmada baabuurta iyo jidadka Hargeysa oo aan tayeysnayn aya a inta badan loo aaneeyaa  shilalka dhaca oo aan yarayn marka sannadkii xogtooda la soo saaro.

Goobjoog News