4 Sababood Oo Cali Guudlaawe U Noqon karo Qoorqoorka &Turxaan-bixiyaha Hirshabelle

Arbacada, 11 Nofeember, 2020 waa Maalinta ay golaha wakiilada Hirshabelle dooranayaan Madaxweynaha Hirshabellada ee xiga. Waa maamulka ugu da’da yar Dowlad Gobaleedyada uguna hooseeya heerka dhismaha marka la fiiriyo Dowlad Goableedyada Dalka ka jira.

Dhismaha maamulkan, markiisii ugu horreysay, wuxuu ku soo aaday xilli Dowladii Madaxweyne Xasan Sheikh uu xilli xukunkeedu sii dhamaanayay, taas ayey dad badan qabaan in ay ahayd sababta aan aad loogu turxaan bixin mad madawgii qabaa’ilka samaystay. Maamulka ayaa sharci ahaan dhismay iyadoo uusan fakarka si buuxda uga wada daadagin dhaqanka Hirshabelle

Qaar kamid ah qabaa’ilka sameysatay Hirshabeelle waxey ka goos qaniinsanaayeen habka boobsiiska ah ee loo sameeyay Hirshabelle.

Si kastaba, maamulka waa la sameeyay waxaana marki ugu horreysay Madaxweyne ka noqday Cali Cabdullahi Cosoble. Mudadiisii, waxaa aad u saameeyay kala qeybsanaanti u dhaxeysya Dowlad Gobaleedyada iyo Dowladda dhexe. Qilaafka labada dhinac oo ay ku baxeen siyaasiyiin u badnayd madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa galaaftay kursigii Cali Cosoble

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa kadib lagu badalay Mr Cosoble, Madaxweyne Waare ayaa horraanti maamulkiisa waxa uu sii waday kana qeyb noqday Maamul Goableedyada ka goos qaniinsanaa una arkayay Dowladda dhexe mid wiiqeysa hannaan Federaalka ah.

Wuxuu kamid ahaa raggii dhisay isbahaysigii Dowlad Goableedyada ee lagu xasuustay go’aannada ay kamid ahaayeen in Dowladda dhexe aanay xukumin dalka intiisa badan sidaas darteedna ay waajib ku tahay in ay is gaabiso.

Maxmed Cabdi Waare waliba waxa uu ugu cod dheeraa kuwa safkaas ku jiray iyadoo oo lagu xasuusto hadallo soo jiitay dareenka kuwa dhaliila Dowladda dhexe. Yeelkeede, isaga oo ka soo noqday kulan ka dhacay Kismaayo ayuu Mr Waare mar qura kala wareegay. Wuxuu sheegay in uu ka baxay isbahaysiga uuna la shaqeynayo Dowladda.

Dad badan waxey u arkayeen go’aankiisaas in uu ahaa nin garba duuban oo aan dhab ahaan ku qanacsanayna jihada ay Dowladda dhexe u waday maamulka dalka.

Horumar badan ma samaynin Hirshabelle sanadaha kooban oo ay jirtay. Dadka ka soo jeeda deegaanka markasta wey saluugsanaayeen qaabka uu maamulka ku socday. Tan iyo markii ay sameysantay Galmudugta Qoorqoor, lana arkay hannaanka Qoorqoor uu u maareeyay jahwareerki taagnaa, waxaa cadaadis niyadeed uu ku beermay reer Hirshabelle oo markaan u guuxaya hoggaan dhulka ka qaada Maamulka, una shaqeeya deegaanka si kasta oo siyaasiyiinta u kala aragti duwantahay.

Waxaa muuqata ifafaalo wanaagsan durbaba marka la eego baarlabaanka la sameeyay hadda oo dad badan ay u arkaan in uu ka tayo roonyahay kii hore

Hadaba, Arbacada ayaa lagu wadaa in Hirshabeelle yeelato hoggaan cusub oo la damacsanayahay in uu dhabbe cusub u jeexo maamulka,Intii uu socday geeddi socodka cusub, waxaa soo yara ifbaxay buuq u muuqda in laga gudbay oo la xiriira sida labada gobal ee ku mideysan maamulka ay u wadaagayaan xukunka.

Si gaar ah siyaasiyiin ayaa riixeysay in la ilaaliyo hannaanki ugu horreeyay ee labada gobal wax u sameysteen, haseyeeshee kuwa kale ayaa u wareegay in hannaanka dimuqaraadiga ah lagu adkaysto, xilka ugu sarreeyana noqdo mid loo simanyahay

Si loo helo Hirshabelle cusub. Waxaa lagama maarmaan ah in la eego sawirka weyn iyo yoolka lawada jecelyahay ee ah in la dhisa maamul shaqeeya una shaqeeya qabaa’ilka labada gobal iyo guud ahaan habka Federalka ee Soomaaliya

Hadda waxaa jira dhowr musharrax, waxaase qormadaan soo jeedinaysaa dhowr sababood oo mid kamid ah musharraxiintaas ugu muuqda kan ay u baahantahay Hirshabelle,Waa Cali Maxamed Xuseen oo loo garan ogyahay CALI GUUDLAAWE, waa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabelle.

Waxaa maqaalkan ku eegayaa 4 sababood oo CALI GUUDLAAWE u noqon karo qoorqoorka Hirshabelle

1) Waa nin deegaan ah

Wuxuu ku dhashay caasimadda Jowhar, isagoo da’yar ah ayuu soo galay siyaasadda, waligiisna wuxuu ka shaqeynayay siyaasadda mid ama labada Gobal eek u mideysay Hirshabelle. Shabellada dhexe ayuu ka shaqeynayay inta aan la yegleelin Hirshabelle. Dadka aqoonta u leh waxay ku tilmaamaan nin kulansaday tilmaamaha hoggaamineed ee leesku raacsanyahay sida aqoontiisa dadka, dulqaadka iyo dhagaysiga dadka kale.

2) Dabeecadda Diblomaasiyadeed

Cali Guudlaawi, inkasta oo dad badan u haystaan in uu faraqa ugu jiro Dowladda dhexe, hadana waa nin fahamsan dhamaan saamileyda muhiimka ah ee Gobalka iyo dalka, waxaa ugu dambeysay nabadeynti Madaxweynihii hore Sheikh Sharif oo Cali Guudlaawe kamid ahaa dadkii ugu dhega nuglaa ee la shaqeynayay guurtida uu horkacayay Sheekha. Waa nin, dadka u dhuun daloola siyaasadda gobalka kuu sheegayaan in uu daba gali karo danaha deegaanka meel kasta oo ay la gasho. Ma aha xag-jir dhagaha ka daboosha codadka kale ee ka aragtida duwan.

3) Qibraddiisa Hirshabelladi hore

Maadaama uu ahaa Madaxweyne kuxigeeni hore, waxaa xaqiiq ah in uu faham buuxa ka haysto waxa u shaqeyn kara Hirshabelle iyo tijaabooyinka lasoo sameeyay ee aan hadda waqti lagu lumen doonin. Cod sir ah oo laga duubay Madaxweynihii iscasilay Maxmed Cabdi Waare, wuxuu muujiyay sida uuna wax tabasho ah uga qabin kuxigeenkiisii. Wuxuu sidoo kale la soo shaqeeyay Cali Cosoble oo aan la arkin isaga oo eedaya. Halku-dhagii Qoor qoor ee ahaa, “waaya arag iswadi kara” ayaa sidoo kale run ku ah Cali Guudlaawe.

4) Xiriirka miirka qaba ee uu laleeyahay Dowladda dhexe

Waxaa aad u badan ku tiirsanaanta Maamullada koofurta ay ku tiirsanyihiin Dowladda dhexe, ma jirto hadda ilo dhaqaale oo u diyaarsan Hirshabelle oo ku maamusho arrimaheeda. Waxaa sidaas darted, qasab ah in uu maamulka helo taageero iyo tabantaabyo xooggan oo ugu timaadda dhinaca qasnadda dhexe. Wuxuu hadda GUUDLAAWE ku naaloonayaa xiriir caafimaad qaba oo uu la leeyahay Dowladda joogta. Dadka yaqaanana waxey kuu sheegayaan in uu yahay nooca dad ee aanay isa seegin dadka kale. Waxaa lafilayaa in uu yahay nin u furan barashada iyo la jaan qaadka dadka iyo danaha u dhexeeyaan. Waa wada xoojoode gar qaate ah oo lugaha dhiiqada uga bixin kara maamulka aan fariisan wali ee Hirshabeelle.

Waxaa Aragtidan Qoray:-Axmed Cabdiraxmaan Cumar

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

  1. Parents think their children are ready for school if they see they know a lot for their age. But even if your child is smart enough, and you think not to take him an extra year to kindergarten, this does not mean that he is psychologically ready for school. Most likely, the child will not be able to obey certain rules. In addition, it is more difficult for young children to sit for a long time in lessons without movement.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW