U bood dhigaalka

4 Xildhibaan oo Loo Dhaariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

4 xildhibaan oo ka tirsan Labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka Somaaliya oo maanta iskugu yimid kalfadhigii Koowaad kulankiisii 7aad ee wadajirka Labada gole,  ayaa la filayaa iney maanta doortaan madaxweynaha 4 sano ee soo aaddan hogaaminaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay soo xaadireen xildhibaanno gaaraya 324, ayaa markii uu kulanku furmay waxaa la dhaariyay Afar xildhibaan oo si toos ah uga mid noqday Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

  1. Xildhibaan Hudaa Axmed Cali, Golaha Aqalka Sare.
  2. Xildhiban Bilaal Idiris Cabdullaahi, Golaha Aqalka Sare.
  3. Xildhibaan Siciid Cabdi Xuseen, Golaha Aqalka Sare.
  4. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Aadan, Golaha Shacabka.

Doorashada oo hadda ka socota xarunta doorashada ee Afisyoone, ayaa la filayaa in saacadaha soo aaddan dalku yeesho madaxweynaha 4 sano ee soo aaddan majaraha u qabanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News