U bood dhigaalka

3 Xildhibaan Oo Maanta Lagu Dooranayo Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada 3 xildhibaan oo aqalka hoose, islamarkaana ah beelaha dega gobollada waqooyi (Somaliland).

Xubnaha tartamaya waxaa ku jira Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ahayd wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Ridwaan Xirsi Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta.

Guddiga doorashada ee heer gobollada Waqooyi Somaliland ayaa inoo xaqiijiyey in beelaha kuraasta maanta la dooranayo leh ay kala yihiin:

 

Beesha Habar Yoonis: 2-kursi

Beesha Carab: 1-kursi

Doorashadan ayaa ka dhici doonta xarunta gaadiidka Booliiska degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, iyadoo amnigane aad loo adkeeyey.

Dhanka kale waxaa la filayaa in Todobaadkan gudahiisa ay magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada xubnaha aqalka sare ee kusoo aadey maamulka Somaliland.

Goobjoog News