U bood dhigaalka

40 Qodob oo Kasoo Baxay Shirka Hiigsiga Cusub oo Maanta Muqdisho Kusoo Gabogaboobey

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta lasoo gabogabeeyey shirkii labada maalmood ka socdey magaalada Muqdisho ee Hiigsiga cusub , waxaana shirka laga soo saaray illaa 40 qodob.

Qodobada shirka kasoo baxay waxaa ka mid ah in la taageero dhamaan maamul goboleedyada jira iyo kuwa dhismaya, iyada oo si gaar ah loo taageerey maamulka Galmudug iyo baarlamaankiisa.

Waxaa uu shirka soo dhaweeyey madasha hoggaamiyeyaasha ay ku mideysanyihiin taasi oo keentey isfaham dalka gudihiisa ah .

Waxa kale oo uu shirka soo dhaweeyey guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka iyo kan xuduudaha, waxaana lagu baaqay in guddiyadani la taageero, loona fududeeyo shaqada ay hayaan.

Sidoo kale waxaa la’isku raacay in horumar badan laga sameeyey barnaamijka hiigsiga cusub, wax badana ay ka qabsoomeen.

Shirka ayaa waxaa kale oo la’isku raacay in kor loo qaado dhaqaalaha dalka iyo kaalmada caalamiga ah iyada oo la marsiinayo bangiga dhexe.

Ugu dambeyn waxaa la go’aamiyey in aysan dhici karin doorasho qof iyo codkiis ah iyo in aysan jirin karin muddo kororsi, iyada oo la qabanayo doorashooyin ka duwan kuwii dhacay 2012-kii.

Illaa 32 wafti ayaa ka qeybgalay shirka oo isugu jira beesha caalamka iyo golayaasha dowladda iyo waliba qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

Goobjoog News