U bood dhigaalka

40 Qof oo Ku Geeriyootay Dagaallo u Dhexeeya Xoolo-dhaqato iyo Beeraaley Dalka Nigeria

Sheeko:Caalamka

Mid ka mid ah ururrada beeraaleyda ah ee waqooyi-galbeed Nigeria ayaa sheegay in 40 qof lagu dilay weerarro lala beegsaday xoolo-dhaqato qabiil loo yaqaanno “Fulani”.

Hoggaanka mideynta dadka ee galbeedka Kaduna ninka la yiraahdo Sulaymaan Musa ayaa u sheegay channelka “ABC”News, Isniintii shalay in qaar ka mid ah dadka dhintay la gubay meydkoodiina la aqoonsan waayay, weerarradii lagu qaaday Sabti iyo Axad magaalada “Jodugodo” oo ku taalla gobolka Kaduna ee dalka Nigeria, waxaanu uu musa sheegay in beero badan la baa’biyay guryana la gubay.

Channelka ABC ayaa intaa raaciyay in isku dhacyadan oo u dhexeeya xoolo-dhaqato iyo beeraaleyda dalka Nigeria uu ka mid yahay waxyaabaha caadiga ka ah dalka Nigeria, gaar ahaan dhex bartamaha waddankaas.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Kaduna Baranabas Bala ayaa sheegay in rabshadahan aan loo heli karin wax marmarsiye ah, waxaanuu intaa ku daray iney ku gudo jiraan sidii ay kala dambaynta iyo is xakameynta ugu soo celin lahaayeen gobolka, iyadoo goobahaa ay dagaalladu ka dheceen si buuxda loogu soo rogay bandow.

Goobjoog News