U bood dhigaalka

40 Website Oo Shahaadooyin Been-Abuur Bixin Jiray Oo  La Xiray

Sheeko:Caalamka

In ka badan 40 Website oo si sharci darro ah uga ganacsan jiray shahaadooyin ay ku jiraan Jaamacadaha ugu caansan dalka Ingiriiska ayaa la xiray.

Website-yadan oo bixiya waxa loo yaqaano Waxbarashada fogaanta ah(distance learning) waxaa ay bixiyaan sidoo kale shahaadooyin, iyagoo ku qoraya magaca Jaamacado Ingiriis ah, taasi oo la ogaadey in ay tahay been abuur iyo sharci darro.

Hey’adda Higher Education Degree Datacheck (Hedd) oo arrintan baaritaan ku sameysay waxaa ay soo ogaadeen in lagu been-abuurtey wax ka badan  90 hey’adood oo waxbarasho.

BBC-da oo warbixin arrinkan ka qortey waxaa ay sheegeysaa in baaritaan ay sameysay ku ogaatey in dalka Shiinaha tusaale ahaan Shahaaho Jaamacadda University of Kent degree lagu iibiyo oo keliya £500.

Jaamacaha la ogaadey in magacooda lagu qaraabto waxaa ka mid ah Stafford University, Surrey University, Wolverhamton university oo laga tahay xarafta “p” ee dhexda ku jira iyo xitaa  iyo University of Manchester.

Dad badan oo dunida ku nool waxaa ay aaminaan shahaadooyinka lagu bixiyo Webistiyada iyo wabaxarashada loo yaqaano E-learning, qoraalkan kadib waxaa dhici karta in dad badan ku laabtaan shahaadooyinka ay heeleen sida ay sax u tahay.