U bood dhigaalka

400 Arday oo u fariistay imtixaan loo gelayo Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation.

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta loo fadhiistey Imtixaanka Qabuulka ee Deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation, oo ah Deeq waxbarasho Jaamacadeed oo sanadle ah, oo loogu tartamo si daahfuran .
Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Abdulahi Nuur Cismaan oo ugu horeyn Goobta ka hadlay ayaa sheegey in Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation ay sanad kastaa waxbarasho Jaamacadeed siiso 120 ardey, iydoo loo galo Imtixaan daahfuran oo dajiyaan, Isla markaana Saxaan Aqoonyahano ka madax banaan Hormuud Salaam Foundation.

Asagoo  sheegey in Imtixaanka HSF uu yahay Imtixaan loo saxo si waafaqasan nidaamka  Imtixaanada Caalamiga Gudoomiyaha  ayaa sheegey in ardeyda maanta u fadhiisatay Imtixaanka aay hore isugu diiwaan geliyeen hab online ah, taasoo aay ka sii horeeysey ogeeysiin, qaadatay mudo Usbuuc ah, dhank kale Gudoomiyaha ayaa sheegey in Barnaamijka deeqda waxbarasho ee HSF uu yahay nidaam loogu talo galay in lagu daydo, oo tusaale wanaagsan ah.

Agaasimaha Hey,adda Dhaxalreeb, Prof Abdi Axmed Baafo, oo goobta ka hadlay ayaa aad u amaanay habka HSF aay usoo gaasintay Imtixaanka deeqdaan waxbarasho, taasoo ah in si furan loogu tartamayo, dadkana loo ogeeysiiyey si furan, oo aysan jirin in si gaar ah loola dhuuntay, waxaana uu ugu baaqay dhammaan inta bixiya deeqaha waxbarasho aay ku deydaan HSF, oo si daahfuran ugu soo bandhigaan ardeyda Soomaaliyeed furasyada deeqda waxbarasho ee aay maamulaan.

Gudoomiyaha Hormuud Telecom, Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf, oo furay Imtixaanka ayaa sheegey ineey tahay farxad weyn in manta loo fadhiisto sanadkii afaraad oo xiriir ah, Deeqda waxbarasho ee HSF, oo aay maalgeliyaan Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank. Gudoomiyaha ayaa sheegey sababta aay waxbarashada u maalgelinayaan aay tahay in la dhiso lana maalgeliyo hogaanka mustaqbalka ee dalkaan, furasna la siiyo ardeyda Soomaaliyeed ee aan awoodin ineey iska bixiyaan khrashka Jaamacadaha.

Gudoomiyaha Hormuud Telecom, ayaa u mahad celiyey maamulka iyo hawlwadeenada HSF, shaqadaan fiican oo aay ka qabteen agaasinka Deeqda waxbarashada ee gashay sanadkeedii afaraad, sidoo kale waxaa uu u mahad celiyey maamulka, Shaqaalaweynaha iyo Saamileeyda Hormuud Telecom, maadaama ubadka Soomaaliyeed aay manta ka faa,iideeysanayaan dedaalkii aay soo qabteen, waxaana uu sheegey in Hormuud Telecom, aay mar walbaa garab taagan tahay garabna taagnaan doonto dadka Soomaaliyeed mar kastaa iyo marxalad kastaa, aay sii wadi doonaan taageerida waxbarashada iyo horumarinta dalka.

Mawduucyada:Gobollada