U bood dhigaalka

42 Qof Oo Ku Dhintey Duqeymo Ka Dhacay Siiriya

Sheeko:Dalka

Tobaneeyo qof ayaa ku dhimatay duqeymo ay ka geysteen diyaaradaha isbaheysiga caalami ah magaalada Raqqa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Ururka u ololeeyo xuquuqul insaanka ee Siiriya ayaa waxaa uu sheegay 42 qof ay ku dhinteen weeraro lagu qaaday goobaha ay ku suganyihiin ururka Daacish.

Magaalada Raqqa ee dalka Siiriya ayaa waxaa is kaga cararay kumanaan kun oo qof.

Balse wali waxaa  ku harsanyihiin dad kale oo shacab a kuwaas oo ay ku heysato biyo iyo cunto la’aan.