U bood dhigaalka

2 Sano Kadib, Maxaa Ka Hirgalay Ballamihii Maxaweynaha Puntland Cabdiweli Gaas?

Sheeko:Dalka

Waxaa 2 sano laga joogaa markii la doortay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Hadaba Goobjoog News waxaa munaasabadaas akhristayaasheeda xusuusineysaa Khudbadii Cabdiweli Gaas  uu Xildhibaanada ka hor akhriyay isagoo murashax ah.

Barnaamijkan Goobjoob News ee khudbadaha la xasuusanayo waxaa uu qeyb ka yahay in shacabka si iskood ah u qiimeeyaan hogaamiyaha ay doorteen, marka aan Khudbadahan akhriso waxaa ku soo baxaya, wixii uu qabtay iyo waxa aanu qaban intaba.

Khudabadii Murashax Cabdiwali Gaas ka hor akhriyay Baarlamaanka Puntland

Bisinka.

“Mudane Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeenada, xildhibaanada iyo marti sharafta kale salams, Mudanayaal iyo Marwooyin kadib markii aan si mug weyn ugu dhabo galay xaaladda siyaasadeed iyo midda deegaan ee puntland, waliba dib u milicsaday marxaladihii ay puntland soo martay tan iyo markii dhidibada loo taagay iyo meesha ay maanta taagan tahay hadda, waxaan is waydiiyay su’aasha ah, Maxay Puntland hiigsan kartaa ama ay tahay himiladeeda duruqsan iyo midda dhaw, maxaase ka qaldamay”

“Walaalayaal sida aad wada ogsoon tihiin Puntland kama jirto dowladnimo taabo-qaaday, Puntland kama jirto dowlad u damqata dadkeeda, Puntland kama jirto dowlad u adeegta dadkeeda, kama jirto dowlad u nugul dadkeeda, kama jirto dowlad daboosha baahidad dadkeeda, Puntland kama jirto dowlad ku shaqeysa rabitaanka dadkeeda, Puntland kama jirto dowlad dhista maamul baahsan oo wada gaara dhulkeeda, sidaa daraadeed Puntland uma baahna labo arimood midna”

“Meesha ay puntland taal ciddii dhigtay uma baahna inaan doorano, wadadii aan soo marnay inaan dib u raacno uma baahna Puntland, waayo taasi waxba ma badaleyso, haddii aad rabtaan in shanta sano ee soo socotaahi ay u ekaato shantii sano ee lasoo dhaafay dabcan waa garanaysaan cidda aad dooraneysaan, lakin anigoo ku kalsoon caqligiina, aaminsan garashadiina, ku kalsoon cadaaladiina, waxaan rajeynayaa in shanta sano ee soo socotaahi ay ka fiicnaan doonto, uga reyn doonto Puntland shantii sano ee qaxarka aheyd ee lasoo dhaafay”

“Sidoo kale Puntland uma baahna cid ku far barata oo ku feegaarto Puntland, Puntland uma baahna cidaan laheyn khibrad maamul iyo mid siyaasadeed toona”

“Walaalayaal baaxadda dhibeed ee ka jirta Puntland iyo mashaqadda taagan saamixi maayaan I Puntlnad lagu aamino cid ku barata eek u socod barata”

“Walaalayaal maanta Puntland waxay u baahan tahay dowlad og xadkeeda aan faro galin ku sameyn hay’adaha sharci dajinta una gacan baneysa in Baarlamaanku guto waajibaadkiisa dastuuriga ah”

“Puntland waxay u baahantahay dowlad aan xisaabiyaha guud iyo hanta dhowrka magan uga noqon waajibaadkooda wasiir iyo madaxweyne toona”

“Puntland waxay u baahan tahay qof dhaqaale uga raadin kara beesha caalamka, xiriir dhaqsaha ah ula sameyn kara, hadaba markii aan ogaaday baahida dowladnimo, dhaqaale , bulsho iyo banii aadam nimo ee ka jirta Puntland ayaa waxaan go’aansaday oo doonayaa inaan ahmiyadda koobaad siiyo arimaha soo socda”

“Midnimada Puntland, Amniga Puntland, Hor u marinya hay’adaha wax soo saarka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaale, cadaaladda, hirgalinta sharciga iyo geedi u socodka dimoqoraadiyadda, dib usoo celinta dhulka maqan”

“Midnimada Puntland, Walalaalayaal ma ahan arin mugdi ku jiro in dadka Puntland ay si wada jir ah oo aan look ala harin ay ku heshiiyeen inay dhidabada u taagaan Puntland sanadkii 1998-dii tasoo oo ku timid rabitaanka shacbiga ama umadda reer Puntland, sida aad ka war qabtaan lixdii sano ee lasoo dhaafay waxaa dhaawac soo gaaray midnimadii Puntland, waxaa ganacta maamulka ka baxay dhul baaxad weyn leh oo Puntland ka mid ah, waxaa kale oo dhacay in deegaanada Puntland aanay si siman u helin adeega bulshada sida caafimaadka, Waxbarashada, sugidda nabad galyada, Biyada iyo dhamaan adeega bulshada”

“Si aan xal waaro ugu helo dhibaatooyinka iyo caqabada hor-taagan midnimada Puntland waxaa hadii Eebe raali ka noqdo u qaban doonaa shir weyne guud oo lagu maareenayo midnimada Puntland, isla markaana lagu lafa gurayo sidii marlabaad loo dhayi lahaa dhaawicii ku yimid midnimada Puntland, sidoo kale waxaa shir weynahaas ku marti qaadayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada Puntland oo ay ugu horeeyaan Isimada, Cuqaasha, Culaa’udiinka, Buslshada rayidka ah iyo qurbo joogta Puntland”

“Dowladeydu waxay dhaqan galin doontaa qodobada kasoo baxa shirkaas, waxaan balan qaadayaa in si siman loo gaarsiiyo adeega bulshada dhamaan bulsh weynta ku nool guud ahaan Puntland”

“Mudanayaal iyo Marwooyin, shantii sano ee lasoo dhaafay, maamulka Puntland waa ka gaabiyay inuu daboolo baahida deegaanada Puntland, waana arinta keentay in Puntland sarrifanto  oo midnameedii ay burburto, waxaan kala shaqeynayaa Baarlamaanka iyo Xukuumadda Puntland isku xirka dowladda iyo dadweynaha, ogaadana waa muhiim in Puntland hesho xukuumad lala xisaabtamo oo tayo wanaagsan leh, waajibaadkeedana gudan karta”

“Xoojinta Amniga iyo dib u dhiska ciidamada, Walaalayaal sideedaba amnigu waa furaha nolosha, qof kasta oo muwaadin Puntland ah waxaa uu xaq u leeryahay inuu nabad ku noolaado isaguna uu nabad galyo bixiyo, waad og tihiin dilalka loo geysanyo aqoon yahanada, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Culumaa-u-diinka iyo dhamaan qeybaha kale ee bulshada kaas oo aad la socotaan inuu gaaray heer aan loo dul qaadan Karin, waana lajoogaa waqtigii la joogin lahaa”

“Haddii ay bulshadu cabsi ku nooshahay ma gaari karto wax hor u mar ah, wayna adkaanaysaa inay maareeyaan waayaha ku xeeran, Walaalayaal waxaa intaas dheer isku dhaca qabaa’ilka oo soo noq noqday oo soo jiitamay oo gaaray heer aan waxba laga qaban Karin oo nidaamkii dowliga ahaana iska daawado,Maamulka hada jiraana waxaa uu ku guul dareystay inuu ciidamada mushaar siiyo 10-kii bilood ee lasoo dhaafay, waana arinta keentay in ciidamada amaanka u gudan waayaan howlihii loo igmaday sidii loogu talo galay ee waajibaadkooda dastuuriga ahi uu ahaa”

“Hadaba walaalayaal aniga oo kaashanaya Khibradeyda markaan Ra’isul Wasaare ka ahaa Soomaaliya, waxaan aamisanahay in wax weyn laga qaban karo arinta amaanka iyo la dagaalanka argagigixisada, hadii la helo qorshr cad oo amni , ku saleysan xaqiiqo dhab ah, ka tarjumaya rabitaanka iyo dareenka shacabka, waxaa sahlanaan doonto si wada jir ah loo wajaho dhibaatooyinka nabad galyo ee Puntland heysata, sidoo kale waxaa lasoo afjari karaa arimaha dhibka ku haya amniga Puntland sida burcad badeeda, Tahriibka i.w.m”

“Walaalayaal waxaa lagama maar maan ah in la dhiso ciidan amniga cagan bir ah ku qabta, ciidamadaas oo mushaarkooda si joogta ah u helaya fayo iyo tiro ahaanba dhameys tiran si heer sare ah loo siiyo tababaro heer qaran ah, sugida amaanka waa ina la gaar siiyaa dhamaan deegaanada Puntland”

“Kaaba yaasha dhaqaalaha iyo hormarinya bulshada, Puntland oo ilaahay ku maneystay kheyraadka daabiga ayaa waxaa nasiib daro ah in maamuladii hore aysan ku guuleysan siyaasad dhaqaale oohor-marineed oo qoto dheer, Walalalayaal 15-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa lagu guul dareystay in la xoojiyo dhaqaalaha, dhaqaalaha oo kor loo qaado ayaa horseedi kara in la sugo amniga iyo xasiloonida, waa arinta keentay in Puntland aanay tilaabo u qaadin dhimaca hor umarka”

“Kor u qaadista dakhliga dowladda iyo siyaasad ee cashuur bixinta iyo hanta dhowrka..waa waxa ugu muhiimsan oo wax weyn ka qaban doono inshaa-alaah”

“Hadii aan qofka cashuurta bixiyaa uu san dareesaneen in cashuurtaad dib ugu soo laabanayso, way adagtahay in lagu qanciyo cashuur bixin, Cashuurtu waa inay ku saleysan tahay qaab cilmiyeysan, hadii cashuurta la kordhiyo iyadoo aan la daraaseen awooda dhaqaale ee dadka, waxaa imaanaya in dadkii cashuurtu la dhuuntaan ama ay u wareegaan meelo kale oo ka baxsan xuduuda Puntland taasina waxay keenaysaa dhaqaale burbur iyo isku dhex yaac dhaqaale oo baahsan”

“Waxaa lagama maar maan ah in la helo tilaabooyinka soo socda, cashuur cadaalad ku saleysan iyo kor u qaadista heerka nolosha bulshada, dhiiri-galinta iyo wacyi galinta ganacsatada si ay uga qeyb qaataan bixinta cashuuraha lagu hor marinayo Puntland, kor u qaadista dareenka Mas’uuliyadda iyo la xisaabtanka, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo cirib tirka musuqa,miisaaniyad buuxda oo cadeynaysa dhamaan dakhliga soo gala Puntland ee meesha lagu jihaynayo”

“Cadaalada, Sharciga oo shaqeeya iyo geedi u socodka dimoqoraadiyadda, Walalalayaal cadaalad loo siman yahay in sharciga oo la dhaqan galiyo waa arimaha aan si dhaqsa ah wax uga qaban doono hadii aan hogaanka dalka qabto inshaalaahu, waxaan u baahanhay cadaalad shakhsi oo wiilka Bare Joogo, Wiilka Buuhoodle jooga, wiilka Baar gaal jooga iyo wiilka Madaxweynuhu dhalay ay u simanyihiin xuquuqda iyo waajibaadka dalka, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah boogaha ay dam qeyso cadaalad darada soo jireenka ah oo ku dhacday dad gaar ah iyo beelo gaarah”

“Waxaan sugidoonaa xuquuqda haweenka, Caruurta iyo dadka la heyb sooco iyo dadka laga tirada badan yahay, waxaa loo baahanyahay in la helo cadaalad deegaan oo deegaanada Puntland ay u siman yihiin hor u marka iyo adeega bulshada”

“Hadaba waxaa arimahan oo dhan sahli kara iyada oo lasoo afjaro musuq maasuqa iyo in kor loo qaado tayada maxkamadaha si loo adkeeyo sharciga iyo kala dambeynta, si markaas aan u qaadano dhabaha saxda ah ee aan hiig saneyno inaan Puntland ku toosino, waxaa lagama maarmaan ah dhisid qaab cadaaladeed oo dhameys tiran iyo in la taabo galiyo in sharciga loo siman yahay”

“In la baahiyo adeega iyo ilaha dhaqaalaha qofka u helo xuquuqdiisa si uu u guto, adeegana waa inuu gaaraa qof kasta oo reer Puntland ah iyo taako kasta oo Puntland ah”

“Dimoqoraadiyadda: Puntland waxay soo gaartay xiligii la gudbi lahaa qaabka qabaa’ilka oo loo tilaabsab lahaa waqtigii qofka kasta codkiisa dhiiban lahaa, waa waqtigii hoos laga soo bilaab ilahaa doorashooyinka oo lasoo dhiraan dhirin lahaa nimaadka diqmoraadiyeyta, waxaan dhaqaale iyo waqtiba galin doonaa sidii loosoo afjari lahaa qaabka qaa’ilka ku saleysan ee Puntland ka jira maanta, waxaan dardar galin doonaan geedi u socodka dimoqoraadiyadda, mudada aan Madaxweynaha ahana waxay dhamaanaysaa iyadoo la gaaray in qofka kasta uu doorto qofkii isaga matali lahaa”

“Dhulka maqan: Walaalayaal, dhulka maqan waa boog ku taal Puntland, waa dhaawac ku yaal qof kasta oo Puntland ku nool, beel beel kama qabsan ee maamul baa maamul ka qabsaday, dhulku beel gaarah kama maqna, faataxa laguma qabsan, Faataxana kusoo laaban mayo, wixii siyaasad ku saleysan siyaasad baan ku maareynaynaa, wixii xoog lagama maarmi waayana waxaa lagama maar maan ah in Puntland fuliso waajibkii loo igmaday ee dastuuriga ahaa”