U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedkii Abwaan Cali Sugule Duncarbeed

Sheeko:Dalka

Alle ha u naxariistee Abwaan Cali Sugule Duncarbeed ayaa 11 January 2016-ka  ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Dubia oo uu muddo ku dhaw saddex bilood ku xanuunsanaa.

Sugulle sannadkii 1936kii ayuu ku dhashay magaalada Oodweyne oo ka tirsan gobolka Togdheer taasi oo dhanka koonfuteed ka xigta  magaalada Burco.

Iskuulka hoose Berbera ayuu ka galey markii danbe Sheekh ayuu uga wareegey isagoo Sheekh Arday ka ah ayuu sida uu sheegay Maxamed Axmed oo ahaa saxiibadii dugsiga sheekh ay wada dhigan jireen waxa ardaydii uu ku jiray ay dawladii Ingiriiska oo maamuli jirtay Soomaali waqooyi ay ku qasabtay in ay ciyaaraan kubadda isla markaana ay noqdaan koox u ciyaarta gobolka Hargeysa balse waxay ku doodeen koox uu Cali sugule ka mid ahaa inay ku fiican yihiin ciyaaraha Sayliciga  jaandheerta.

Waxaana ka mid ahaa erayadii ciyaar ay maalinkaas curiyeen kooxdii ardayda ahaa ee uu ku jiray cali Sugule
Ninkii sada haysta
lalama sugoo
Somalidu waa ka
saari jirtee
saaxiibadayoow intay
sababteen sanduuqiina
may la qaadi weydeen?!

Cali Sugule waxa uu yimi Hargeysa ku dhawaad 1950 markaasi oo uu magaalada Hargeysa ka asaasay kooxdii walaalaha Hargeysa oo uu guddoomiye ka ahaa  alle ha u naxarisitee Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubad kuna jireen Ilaahayow, Mohamed Ahmed Kuluc. Ilaahayow u naxariiso Cabdilaahi Qarshe, Barkhad-Cas.
1954 ayey ahayd markii ay soo ifbaxday suugaanta Cali Sugule waxaanu waqtigaasi sameeyey heestan

Guunyada lo’du wow
garaad daran tahay,
gaajiyo ma ogola
haraad gelin,
gowda iyo usha
wey ka gubataa,
hadii aan la guneyn
looma galo,
gujada weyshu
waa ta gaagixisee,
hadii la garaaco
godol male,

Ganbo iyo dumarkaa
gareska xidhee,
guntiga ragu waa
isku geedo hidee,
geyigan tegey gaalku
mow hadhay!?

Gadantay oo caradeenii
wey gedmatee,
aan gaadhnee ma loo
gurmadaa,

geelii iyo adhigii
gamaankii fardaha,
gugoo da’ay geedihii
hawd aan geynee ma loo gurmada?!

Gaashaan qaad xaqiisa lama
gudbo, garkiyo wadnahay na kala
go’an guuldaro weynagaa gacmaha
madhan!

Garaad inama dheera gaaladu
gugeenuna waa gudboon yahay,
guuldaro weynagaa gacmaha
madhan!

Godobtii nin qirtay oo ku gowracay,
gashigii diidan aan wax kaaga
gudbeyn, gadaan gadayaa gar daranaa!

Ayaa guulaheen gargaaraa,
ayaa garanaaya gobanimadoo,
ayey la genbiya gumeystaha?!
Cali  Sugule waxa uu ka soo dhex baxay kooxdii walaaha Hargeysa isaga oo door ka qaatay  xornimo raadintii Soomaalida waqooyi ee uu Ingiriisku gumaysan jiray

Isaga oo ka mid ahaa dadkii xulaayey hal-aburadii ka gabayey habeenkii xornimada kaasi oo ay ka mid ahaan  dadki tartamaayey sida  Abwaanada kala ahaa Cabdilaahi Suldaan Tima-cadde iyo Cabdi Iidaan Faarax.

Cali Sugule bilawgii lixdankii waxa uu sameeyey hees can baxday oo  walina loo adeegsado marka loo hiilinaayo afka Soomaaliyeed taasi oo tidhaahda  af-qalaad aqoontu miyaa. Oo ay wadaqaadi jireen Xasan Diiriye Faarax,  iyo Xaliimo Magool Khaliif.

Cali Sugule waxa uu door laxaad leh ka qaatay  heesihii xornimadii  ee Soomaalidii koonfureed ee talyaanigu gumaysan jiray waxaanu  sameeyey heesta Dhaaxaan gunimiyo  ee Maxamed Saleebaan Tubeec qaaday .

Heesta kale ee uu abwaanku sameeyey ee jacaylka salka ku haya waxa ka mid ahaa heesta hiddii hiddii ddiiyo haddii ee uu ku caanbaxay Axmed Naaji Sacad iyo kooxdii hablaha hobolada Waaberi oo ka daba jiibin jiray heestan oo caan ah erayadeeda waxa ka mid ah …..

Hablaha:

Hir bay laacoo hinqaday

Hillaac bay baxoo handamay

Haddana waayoo hakaday

 

Halyeey waayoo hakaday

Haween baan ahoo hamrraday

Hiil iyo midna hoo ma karo.

Wiilasha:

Hurdada aawadaa ma ledo

Hummaaggaagi bay hor kacay

Hawshaada ma soo hadh galo

 

Hawshaan ku la qaybsadaa

O’ harraadkaan ku la qabaa

O’ anigu waan ku la hayaa

E’ adaan i hagaajinayn.

Hablaha:

Adduunyo hal baan lahaa

O’ hashii horor baa la tegay

Haaneedkaa loo hayaa

O’ hadhuub madhan baan sitaa

Wiilasha:

Haween ma dhammaa la yidhi

Hablow anigaydin hanan

Cali Sugule waxa uu sidoo kale caan ka dhex noqday suugaanta Soomaaliyeed hal-abuuradeeda  waxaanu sidoo kale sameeyey heesta la hadlay doorka  ciidankii qaranka Soomaaliyeed kaga jireen bulshada iyo waajibaadka saran heestan oo ay Magool qaaday fanaaniintii Waaberina ka daba jiibisay.

Waxa kale oo uu hees u sameeyey Soomaalidii dalka Jabouti  taasi oo waqtigii ay xornimada qaadanaysay u sameeyey heesta Waabaa baryey bilican arooryo baxsan oo uu fanaan Maxamed Axmed

Cali Sugule oo aabihii Sugule Axmed Dun-carbeed uu ahaa af-tahan wax badan ka yaqaana Suugaanta Soomaaliyeed marka uu doonana gabya  waxa uu sidoo kale sameeyey heeso jacayl ah oo aynu ka soo qaadna karno heesta “Ruuxa gala abaal marbaa loo guddaa” oo ay qaadisteeda ku kala dambeeyeen  fanaaniinta Axmed Cawad rabsha iyo Hibo Maxamed Huddoon Hibo Nuura.

Waxaanu dhalay  caruur ilaa lix gaadhaysa.

Intii ka dambaysay burburkii dalkii Soomaaliya waxa uu ku noolaa dalka Isku-taga imaaraatka carabta   waxaanu bandhig suugaaneed u tagay dalka ingiriiska sannadkii 2009kii   waraysi laga qaaday xilligaasi waxa uu ku sheegay in ay saaxibo dhaw ahaayeen abwaanada Axmed Cali Haaruun dararamle oo 2011kii geeriyooday   Maxamed Axmed Kuluc oo isna 2015kii geeriyooday iyo Axmed Ismaciil Xudaydi oo ku nool Dalka Uk

Maalinta 13 bishan Janaury ee 2016 ayaa  lagu aasi doonaa magaalada Hargeysa siday sheegeen ehelkiisu

Bahda Goobjoog News, waxaa shacbiga Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaan geerida Abwaanka Cali Sugule.

Goobjoog News