U bood dhigaalka

450 Kun Qof Oo Ku Barakacay Fatahaadda Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in Todobaadyadii lasoo dhaafay ay dadkii ugu badnaa ka barakaceen deegaanno ka tirsan maamulkaasi, kadib fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabelle.

Cabdi Mahad Qoor-gaab, wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Hirshabelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in meelaha dadka ay barakaca ka sameeyeen yihiin B/weyne iyo Mahadaay.

Dad lagu qiyaasay 450 qof ayuu sheegay in B/weyne ay kasii barakacayaan, una cararayaan meelaha dhulkoodu uu sarreeyo.

Biyaha ay dadkan ka barakacayaan ayaa kasoo rogmaday Wabiga, kadib markii uu ku da’ay roob badan oo maalmahanba ka socday gobolladaasi.

Wasiir Qoor-gaab ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya, hay’adaha samo-falka ah iyo cid walba oo wax awoodda iney dadkan usoo gurmadaan.

Goobjoog News