U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay 3 Qarax oo Ka Dhacay Magaalada Brussels.

Sheeko:Dalka, War

Sawirro laga helayo social media ama Internet-ka waxaa ay muujinayaan qiiq ka baxaya goobta uu qaraxa ka dhacay ee bartamaha gagida diyaaradda.

Qaraxa ayaa lagu waramayaa in uu ka dhacay mid ka mid ah terminal buildings qeybta  duulimaadka.

Wararka waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan 10 ay dhinteen halka 30 kale ay ku dhaawacmeen qaraxa, welina waxaa socda gargaar iyo tirinra Khasaaraha.

Qarax Kale ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay bartamaha Brussels goob laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara, ilaa 15 qof ayaa ku dhimatay.

Qaraxyadan waxaa uu imaanayaa 4 maalin kadib markii ciidanka dalkaas ay Brussels ku qabteen  Salah Abdeslam oo ahaa ninkii lagu tuhunsanaa weeraradii Paris bishoo November.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News