U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Caalamku Waxa uu Ku Qancay in Soomaaliya ay ka Jirto Dowlad Mas’uul ah”

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad Dastuuri ah u jeediyay xubnaha baaralmaanka federaalka oo u furmayay kalfadhigaa sideedaad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo badan oo khuseeya xaaladda dalka iyo kaalinta laga filayo baarlamaanka mudada u harsan.

Madaxweynah ugu horeyn waxa uu xubnaha baarlamaanka la wadaagay walwal uu qabo xiligan oo kalena looga bartay baarlamaanadii dalka soo maray, “Dhamaanteen waxaan waayo arag u nahay wakhtigan oo kale marka bisha April la marayo oo xilliga dhamaadkiisa ay bilo ka dhiman yihiin, duruufaha ay dowladnimadeennu ku sugnaan jirtay waxay ila tahay inaan dib u xasuusanno, iyo maanta meesha aan ku suganahay, taas oo ku timid xilkasnimada bisaylka baaralmaankan iyo hogaankiisa”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Baarlamaankan mudadiisu ay hadda sii dhamaaneyso ma aaney dhicin waxyaabo badan oo aan horey uga soo gudubnay, casharro ay tahay in wax laga barto ayaa arrintaa ku jirta, dhibaato badan, dagaal badan, marmarka qaarkood dhiig iska keenid, dhaawac isku geysasho, waxyaabo badan ayaan soo marnay”.

Xaaladda dalka iyo hanaankii lasoo maray waxa uu ka yiri; “Soomaaliya waxay ku jirtaa waddo dheer oo hayaan ah oo ah dowlad dhisid, 2000 illaa maanta wadaad baan soo haynay, maalin walba maalinta ka dambeysa wadadii aan soo marnay waan ka socod fiicneyn, waan ka muuqaal fiicneyn, waan ka waayo aragsaneyn, ka horumarsanayn dhinaca dowlad dhisidda, duruufuhu iyadoo ay mar kasta adkaayeen oo mar ay duruurfuhu fududaayeen oo ay quruxbadnaayeen aaney jirin”.

Waxa uu guul ku tilmaay xiriirka cusub ee hay’adda lacagta adduunka, “1988dii ayaa noogu dambeysay wada shaqeyn dhab ah oo dhexmara Soomaaliya iyo hay’adda lacagta adduunka, wasiirka maaliyaddu waxa uu soo saxiiyay 27 sano ka dib in xiriirkii dib u bilaabmo, waxay daliil u tahay inuu caalamku kusoo qancay Soomaaliya dowladd mas’uul ah oo hay’adaheeda sharci dajinta, fulinta iyo dhamaan mas’uul wada yihiin, bisayl siyaasadeed iyo bisayl dowladnimo ay leedahay, muddo yar ka dib waxay dowladdu galangal u yeelan doontaa hay’adaha lacagta Adduunka si dalka dib u dhiskiisu dib ugu bilowdo”.

“Soomaaliya maanta awood ay dayn hore iskaga bixisana ma laha, mid ay dayn cusub ku qaadatana ma laha, maanta xaaladaas ayaan ka gudbeynaa, dalka dib u dhiskiisa caqabadihii ugu waaweynaa ayaa meeshaas nooga dhamaanaya”, ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa tilmamaay in shaqadii loo igmaday ay ugu waaweynaayeen in dastuurka mid rasmi ah laga dhigo, dib u eegisna lagu sameeyo iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho xor ah oo hal qof iyo hal cod ah, waxa uu sheegay in labadaba shaqo badan laga qabtay.

“Waxaan ka shaqeynayaa laba mabda’ oo ah, waxa suurto galka ah ee aan maanta qaban karno inaan qabanno, iyo waxa aan qabanayno oo aan u sameyno saldhig sharciyeed oo ka dhiga wax nidaameysan oo sal leh”, ayuu sheegay.

Waxa uu carabka ku dhuftay in shirarka madasha ee hadda ka socda Muqdisho ay ku saabsan yihiin qaabka doorashada dalka isla markaan natiijada ka soo baxda la hor keeni doono baarlamaanka federaalka.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa yiri “waxa muhiimka ah waa inaan ku sii dhiirano dhisidda dowladnimada, mudada kooban ee inoo dhimanna waxaan baarlamaanka ka codsanayaa in wakhti dheeri ah, juhdi dheeri ah iyo dulqaad dheeri ah la muujiyo”.

Goobjoog News